| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gaadiidka iyo duulista hawada
Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa ku tilmaamay kulanka mid muhiim ah oo door weyn ka ciyaari doona dhismaha xiriir iskaashi oo faa’iido u leh labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gaadiidka iyo duulista hawada
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Mudane Maxamed Faarax Nuux iyo dhiggiisa Sucuudiga, Saleh bin Nasser Al-Jasser / Others

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, oo booqasho shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Riyaad dhiggiisa Sucuudiga, Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada, iyadoo la isla falanqeeyay in la bilaabo duulimaadyo toos ah oo joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa ku tilmaamay kulanka mid muhiim ah oo door weyn ka ciyaari doona dhismaha xiriir iskaashi oo faa’iido u leh labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Si loo sii hormariyo iskaashigaas, labada wasiir waxay ku heshiiyeen in la sameeyo Guddi Farsamo ee adajir ah, kaas oo qaabilsan hirgelinta heshiisyada iyo qorshayaasha lagu xoojinayo xiriirka dhinacyada duulista iyo gaadiidka dadweynaha.

Booqashada wasiirka iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu doonayo in lagu xoojiyo isku xirnaanta, ganacsiga, iyo is-weydaarsiga adeegyada ee Soomaaliya iyo saaxiibbada gobolka.

Raadi Warar Kale
Dowladda Soomaaliya oo nidaamka mushaar-bixinta ku xiraysa Aqoonsiga Qaranka
Soomaaliya oo shaacisay in shirkaddii Somali Airlines ay dib u hawlgeli doonto bisha Sebteembar
Soomaaliya oo 75% baahida cuntadeeda dibadda ka soo dhoofsata, sannadkiina ku bixisa $2.2 bilyan
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha
Shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir oo dib u billowday duullimaadyadii Suudaan
Shirkadda dhoofinta badeecadaha badda Maersk oo hakisay ballansashadii rar cusub ee dekedda Berbera
Turkiga oo joojiyey duulimaadyadii dalalka bariga dhexe sababo amaan awgood
Muqdisho: Garoonka Aadan Cabdulle oo yeeshay Terminaal cusub oo casri ah
Soomaaliya oo diidday in diyaarad Israa'iili ah ay marto hawadeeda
Mareykanka iyo Midowga Afrika oo dhisaya guddi loogu talagalay horumarinta maalgashiga
Wadahadallo dhaqaale oo u dhexeeya Suudaan iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara
Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika oo lagu xoojinayo iskaashiga
Maamulka Muqdisho waxa uu dib u furay saddex waddo oo muhiim ah si loo fududeeyo isu socodka
Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti oo wada-hadallo la yeeshay La-taliyaha Guud ee Bangladesh, Muhammad Yunus
Dowladda Soomaaliya oo jid-gooyooyinkii ka qaadday waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho
Horumarinta duulista hawada: Wafdi Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya shirweynaha caalamiga ah ee ICAO
Trump oo tilmaamay in heshiis laga gaaray TikTok ka hor inta aanu la hadlin Xi
Soomaaliya oo daah-furtay qorshe-weyn oo taariikhi ah oo beeraha looga ciribtirayo gaajada dalka
Gabadh ka qalinjebisay Turkiga oo Soomaaliya ka aas-aastay shirkadda ugu weyn ee cadarka
La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya: "Turkiga ayaa hormuud ka ah maalgashiga dhabta ah ee Dalka"