| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Daah-furtay Istaraatiijiyad Qaran oo Lagu Xoojinayo Isdhexgalka Dhaqaalaha Gobolka
RW Ku-xigeenka Soomaaliya ayaa furay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka, iyadoo diiradda la saaray xoojinta ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku-xirka Soomaaliya iyo dalalka gobolka.
Soomaaliya oo Daah-furtay Istaraatiijiyad Qaran oo Lagu Xoojinayo Isdhexgalka Dhaqaalaha Gobolka
Soomaaliya oo Daah-furtay Istaraatiijiyad Qaran oo Lagu Xoojinayo Isdhexgalka Dhaqaalaha Gobolka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa Talaadadii furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta isku xirka dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo kaabeyaasha u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka gobolka.

Kulanka ayaa waxaa isugu yimid dhowr wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday hay’adaha dowladda iyo khubaro farsamo si ay uga wada hadlaan diyaarinta iyo hirgelinta istaraatiijiyadda qaran.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax ayaa sheegay in Afrika ay u soo ifbaxayso inay noqoto mid ka mid ah suuqyada waaweyn ee dunida, isla markaana ay sii kordhayso xiisaha ay u qabaan dhaqaalaha caalamka. Wuxuu sidoo kale xusay in Soomaaliya ay leedahay awood istaraatiiji ah oo ay ku noqon karto buundo isku xirta Afrika iyo caalamka intiisa kale, taas oo ay suurtagelinayso xeebteeda dheer.

Wuxuu tilmaamay in isdhexgalka dhaqaale ee xaddidan iyo ganacsiga hoose ee ka dhexeeya dalalka Afrika ay yihiin caqabado waaweyn oo horyaalla qaaradda, isaga oo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la qaato hannaan ku saleysan xog iyo caddayn si Soomaaliya iyo shacabkeedu uga faa’iidaystaan fursadaha ka dhalanaya isdhexgalka gobolka.

Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka ayaa dejin doonta hannaan ay Soomaaliya uga faa’iidaysanayso marinnadeeda ganacsi, dekedaheeda iyo goobaha xuduudaha la isaga gudbo si loo fududeeyo ganacsiga, loo ballaariyo suuqyada, loo soo jiito maalgashiga, loona xoojiyo isku xirka dhaqaalaha Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo Soo Dhoweysay Xoghayaha Guud ee AfCFTA oo Booqasho Rasmi ah Ku Yimid Dalka
Trump oo soo dhaweeyay heshiiska difaaca ee 'Makka' ee dhexmaray Turkiga, Bakistaan iyo Sacuudiga
Jabuuti oo si diirran u soo dhaweysay garsoore Liibaan Cabdirisaaq oo ka qaybgalay ciyaartii UEFA
Garsoore Mareykan ah oo waddada u xaaray in maamulka Trump uu joojiyo sharciga degenaanshaha TPS ee
Guddiga Xuquuqda Aadanaha iyo SoDMA oo Ka Wada Hadlay Gurmadka Bani’aadannimo ee Xuquuqda Aadanaha
Tirada dadka ku naf-waayey shilkii doonida Zimbabwe oo gaartay 80 qof
Baadariga oo ku baaqay in la joojiyo xadgudubka Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta Daanta Galbeed
Duqa Muqdisho iyo Gudomiyaha Rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga
Wasaaradda Awqaafta oo qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan qabyo-qoraalka Xeerka Masaajidda
MW Xasan Sheekh oo ka qayb galay casho-sharaf loo sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka
Wasiirro iyo Madaxda Dhallinyarada oo ka Qaybgalay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada
Wasiirka Amniga oo tababar u  soo xiray dufcadda 5-aad ee Ciidanka Daraawiishta
CIA oo shaki gelisay xogta Israa’iil ee qorshe Iiraan la sheegay inay ku dili lahayd Trump: Warbixin
Soomaaliya iyo UNDP oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Furay Tababar Sare oo ku Saabsan Dhexdhexaadinta
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara
Wasaaradda Ganacsiga oo Qabatay Aqoon-is-weydaarsi Lagu Dhammeystirayo Qorshaha Qaran ee 2026–2030
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Muqdisho Ku Qaabilay Wafdi Ka Socday Dowladda Qatar
Fatahaado Burburiyey Guryo, Barakiciyeyna Tobannaan Qoys oo ku Suganaa Waqooyiga Daarfuur ee Suudaan
Difaaca Cirka Suudaan oo Burburiyey Weerarro Drones ah oo Lagu Beegsaday Khartuum iyo River Nile