Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hoggaaminayey Talaal Bin Rashiid Al-Hajri, oo ah La-taliye Sare ahna Agaasime ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar.
Wafdiga ayaa ku sugan Soomaaliya si ay uga wada hadlaan fursadaha maalgashi ee dhinacyada wax-soo-saarka cunnada iyo caafimaadka. Booqashadooda ayaa sidoo kale daba socota saxiixa heshiis iskaashi oo dhinacyo badan leh oo ay Talaadadii la galeen Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Intii uu kulanku socday, wafdigu wuxuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyeed gaarsiiyey farriimo ay uga sideen hoggaanka Dowladda Qatar.
Ra’iisul Wasaare Xamse, oo uu wehelinayey Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi, ayaa wafdiga uga warbixiyey horumarka ay Dowladda Federaalka ka gaartay xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo hagaajinta adeegyada bulshada.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale soo dhaweeyey xiriirka diblomaasiyadeed ee xooggan iyo iskaashiga sii kobcaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada shaqaynta dhinacyada ay labada dal danaha ka wadaagaan.






















