Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, ayaa Axaddii soo dhoweeyay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Wamkele Mene, oo dalka ku yimid booqasho rasmi ah.
Booqashada oo soconaysa 16-ka ilaa 18-ka Agoosto 2026, ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin muhiim ah oo ay kaga mid noqonayso ugana faa’iidaysanayso suuqa ganacsiga xorta ah ee qaaradda.
Inta uu dalka joogo, Xoghayaha Guud wuxuu kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha ganacsatada Soomaaliyeed. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa hirgelinta AfCFTA, fursadaha uu heshiisku siinayo ganacsatada Soomaaliyeed iyo siyaabaha ay Soomaaliya si buuxda uga faa’iidaysan karto suuqa qaaradda Afrika.
Booqashadu waxay sidoo kale Soomaaliya siinaysaa fursad ay ku xoojiso kaalinteeda isdhexgalka dhaqaale ee Afrika, kor ugu qaaddo ganacsiga iyo maalgashiga, isla markaana ganacsatada Soomaaliyeed ugu diyaariso inay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jira suuq ay ku nool yihiin in ka badan 1.4 bilyan oo qof.























