Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sahro Cumar Xasan, ayaa maalintii Talaadada booqasho ku tagtay deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho, halkaas oo ay qado ugu sameysay carruur agoon ah oo lagu xanaaneeyo xarun ay gacanta ku hayso.
Booqashadan ayaa muujisay sida ay Marwada Koowaad uga go’an tahay naxariista iyo taageerada bulshada, iyadoo waqti la qaadatay carruurta isla markaana si toos ah ula hadashay kana dhageysatay waaya-aragnimadooda iyo baahiyahooda gaarka ah.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, kooxda Hiddo dhaqameedka ee xarunta daryeelka carruurta ayaa soo bandhigtay hees dareen leh oo ka tarjumeysa naxariista hooyonimo ee Marwada Koowaad iyo doorkeeda weyn ee taageerada iyo daryeelka carruurta agoomaha ah ee guud ahaan dalka.

























