| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Wasiirka Dekadaha Cabdulqaadir oo la guddoonsiiyay abaalmarinta ‘Siyaasiga Ugu Saameynta Badan 2026’
Wasiir Cabdulqaadir ayaa dareenkiisa iyo mahadcelintiisa ku cabbiray hadallo toos ah, isagoo yiri: “Sharaf weyn ayay ii tahay in Somali Night Awards ay caawa igu maamuusto siyaasiga ugu saameynta badnaa gayiga Soomaaliye
Wasiirka Dekadaha Cabdulqaadir oo la guddoonsiiyay abaalmarinta ‘Siyaasiga Ugu Saameynta Badan 2026’
Wasiirka Dekadaha Cabdulqaadir oo la guddoonsiiyay abaalmarinta ‘Siyaasiga Ugu Saameynta Badan 2026’

Magaalada Muqdisho ayaa xalay martigelisay munaasabadda sannadlaha ah ee bixinta abaalmarinnada ‘Somali Night Awards’ ee sannadka 2026, taas oo si gaar ah loogu maamuuso shakhsiyaadka, hay’adaha, iyo shirkadaha sida weyn ugu dhex muuqday bulshada.

Dhinaca siyaasadda iyo hoggaaminta, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumadda federaalka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarinta ‘Siyaasiga Ugu Saameynta Badan Sannadka’, halka Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, isna la guddoonsiiyay abaalmarinta ‘Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka ee Sanadka’.

Wasiir Cabdulqaadir oo ka falcelinayay maamuuskan ayaa dareenkiisa iyo mahadcelintiisa ku cabbiray hadallo toos ah, isagoo yiri: “Sharaf weyn ayay ii tahay in Somali Night Awards ay caawa igu maamuusto siyaasiga ugu saameynta badnaa gayiga Soomaaliyeed sannadkan 2026. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay abaabulka iyo martidii nagu sharaftay ka qeybgalkooda.”

Isagoo dib u milicsanaya marxaladihii kala duwanaa ee uu dalka u soo shaqeeyay ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaad i xasuusinaysaan maalmo adag iyo kuwo aad u quruxbadan oo aan qarankeyga usoo shaqeeyay anigoo sarkaal ah, dublumaasi ah, Taliye ah, iyo anigoo wasiir ka ah wasaarado kala duwan oo ay ka mid tahay Wasaaradda Caddaaladda, Gaashaandhigga iyo hadda oo aan ahay wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Maamuuskan wuxuu ii yahay dhiirrigelin aan ku sii xoojinayo u adeegidda qarankeyga Soomaaliyeed.” Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo xiray in guushan uu u hibeeyay hooyadiis, isagoo yiri: “Abaalmarintan waxaan la wadaagayaa halgamayaasha qarsoon, waxaanan si gaar ah ugu hibeeyay hooyaday qaaliga ah, Marwo Xasiila Maxamed Ibraahim.”

Dhanka kale, qaybaha ganacsiga, hal-abuurka, iyo maalgashiga ayaa si weyn uga dhex muuqday munaasabadda, iyadoo abaalmarinta ‘Shakhsiga Ganacsiga Sannadka’ la siiyay Cabdirisaaq Ciise, halka ‘Shirkadda Ganacsiga Sannadka’ ay ku guuleysatay Hasco Group.

Abaalmarinta u gaarka ah ‘Ganacsiga Haweenku Leeyihiin’ ayaa la guddoonsiiyay maqaaxida Muniiza Restaurant, iyadoo abaalmarinta ‘Astaanta Ganacsi ee Ugu Wanaagsan’ (Best Brand) la siiyay shirkadda Giordano.

Sidoo kale, Barako Hypermarket ayaa noqday ‘Suuqa Ugu Wanaagsan’, halka abaalmarinta ‘Hal-abuurka Soo-dhaweynta’ la siiyay Salool Cafe. Dhinaca isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda, Somtel ayaa loo aqoonsaday ‘Shirkadda Isgaarsiinta Sannadka’, iyadoo Habiib iWorld ay ku guuleysatay qaybta ‘Shirkadda Qalabka Elektaroonigga ee Sannadka’.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu abaalmariyey adeegyada aasaasiga ah iyo xirfadleyda kala duwan ee bulshada. Isbitaalka Horyaal ayaa ku guuleystay abaalmarinta ‘Isbitaalka Sannadka’, halka Ismaaciil Cali Maxamed uu noqday ‘Dhaqtarka Ilkaha ee Sannadka’.

Dhinaca isboortiga, Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa loo aqoonsaday ‘Shakhsiga Isboortiga Sannadka’, iyadoo shirkadda Dhameys ay qaadatay abaalmarinta ‘Shirkadda Qalabka Isboortiga’.

Dhinaca tacliinta iyo warbaahinta, Maxamed Mukhtaar ayaa qaatay abaalmarinta ‘Sareynta Waxbarashada’, halka Iimaan Jaamac uu ku guuleystay ‘Wariyaha Ugu Wanaagsan’.

Ugu dambayn, abaalmarinta maamuuska leh ee ‘Waxqabadka Nolosha’ (Lifetime Achievement Award) ayaa lagu maamuusay Prof. Qaloocow, taas oo ka turjumaysa taariikhdiisa iyo adeeggii muddada dheer uu u hayay bulshada.