| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo dhiggiisa Tanzaaniya ayaa wadahadallooda diiradda ku saaray horumarinta koboca ganacsiga gaarka loo leeyahay, soo jiidashada maalgashiga, iyo abuurista fursado shaqo.
Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga
Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xassan, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzaaniya, Judith Silvio Kapinga, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzaaniya, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta fursadaha ganacsi ee labada dal.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray horumarinta koboca ganacsiga gaarka loo leeyahay, soo jiidashada maalgashiga, iyo abuurista fursado shaqo.

Labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga si loo hormariyo danaha dhaqaale ee wadajirka ah loona taageero horumar waara.

XIGASHO:SONNA