Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo xooggan iyo xiriirro heer sare ah oo lagu dardargelinayo sii deynta badmaaxiinta Masaariyiinta ah ee laga afduubtay markabka shidaalka ee “M/T Eureka.”
Danjiraha ayaa sheegay in iskaashi isku dubbaridan iyo kulamo diblomaasiyadeed ay ka socdaan heerar kala duwan si loo xaqiijiyo badbaadada badmaaxiinta loona fududeeyo dib ugu soo laabashadooda Masar.
Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa hadalladan ka sheegay kulan uu la yeeshay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Karim Sherif.
“Dowladda Soomaaliya aad ayay uga walaacsan tahay arrintan waxayna xiriir adag la leedahay dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo xalliyo arrinta loona xaqiijiyo sii deynta badmaaxiinta la afduubtay,” ayuu yiri Danjiruhu.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta iskaashiga ay la leedahay Masar, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha badda, isagoo xusay baahida loo qabo isku-duwid dhow oo dhex marta dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed si wax looga qabto caqabadaha amniga ee wadajirka ah loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.
Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay u hayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale kaalinteeda ku aaddan xoojinta hay’adaha dowladnimada Soomaaliya, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta nabadda.




























