Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa Talaadadii guddoomiyay munaasabadda xil wareejinta ee u dhexeysay Wasiirka cusub ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, iyo wasiirkii hore, Daa’uud Aweys Jaamac.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa wasiirka cusub ugu baaqay inuu ilaaliyo hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada marka uu gudanayo waajibaadkiisa, isagoo u rajeeyay guul xilkiisa cusub. Waxa uu sidoo kale ammaanay wasiirkii hore shaqadii uu qabtay muddadii uu joogay wasaaradda.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in Wasaaradda Warfaafinta ay ka mid tahay hay’adaha muhiimka ah ee taageera shaqada dowladda, wuxuuna u mahadceliyay shaqaalaha wasaaradda kaalintooda muhiimka ah ee u adeegidda qaranka.























