Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada oo ku saabsan Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan faafitaanka warar been abuur ah iyo eedeymo aan sal lahayn oo ku baahaya qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in la gaaray go’aan lagu masaafurinayo Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa si adag u diiday sheegashooyinkan waxayna ugu baaqday dhammaan hay’adaha warbaahinta iyo isticmaalayaasha baraha bulshada inay muujiyaan xirfad sare iyo mas’uuliyad, isla markaana ay ku tiirsanaadaan ilo rasmi ah marka ay helayaan macluumaad.
Dhanka kale wasaaradda ayaa ka digtay faafinta warar khaldan oo ujeedadoodu tahay wiiqidda xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Carabta.




























