Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa ka qaybgalaya Madasha 13-aad ee Magaalooyinka Adduunka oo ka socota magaalada Baku.
Madashan caalamiga ah oo ay qabanqaabisay UN-Habitat ayaa isu keentay dowlado, ururro caalami ah, bangiyo horumarineed, iyo bahwadaag kala duwan oo ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka, guriyeynta, iyo horumarinta bulshada.
Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa madasha kaga qaybgalay isaga oo ay wehliyaan wakiillo ka socda ururro caalami ah iyo bahwadaagta horumarinta.
Khudbaddiisa, wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hirgelinayso istaraatiijiyad dhameystiran oo lagu dhisayo nidaam isku xira guriyeynta, maamulka dhulka, la-qabsiga isbeddelka cimilada, iyo horumarinta dhaqaalaha maxalliga ah si loo xoojiyo xasilloonida loona gaaro koboc waara.
Wuxuu sidoo kale xusay in wasaaraddu ay diyaarisay daraasado iyo qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo nidaamyada maamulka guriyeynta iyo dhulka ee dalka, kuwaas oo saldhig u noqon doona dib-u-dhiska magaalooyinka iyo ballaarinta adeegyada dadweynaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale iftiimiyay mashaariicda istaraatiijiga ah ee horumarinta ee ka socda magaalooyinka ay ka mid yihiin Beledweyne, Doolow, iyo deegaanka Jasiira ee Muqdisho, kuwaas oo diiradda saaraya guriyeynta la awoodi karo, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo dhismaha magaalooyin u adkeysan kara isbeddelka cimilada.























