| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
MW Xasan Sheekh oo Gaaray Uganda si uu uga Qayb Galo Munaasabadda Caleema-saarka Museveni
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan uu kula yeeshay dhiggiisa Uganda Aqalka Madaxtooyada ay kaga wadahadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii gaaray Kampala, Uganda, si ay uga qayb galaan munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha mar kale dib loo doortay ee Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan uu kula yeeshay dhiggiisa Uganda Aqalka Madaxtooyada ay kaga wadahadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyne Museveni dib-u-doorashadiisa.

XIGASHO:SONNA