| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Maaliyadda oo Muqdisho ku Qaabilay Wafdi Heer Sare ah oo ka Socda Qaramada Midoobay
Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda isbeddellada dhaqaale, gaar ahaan saameynta ay abaarta, fatahaadaha, iyo isbeddelka cimiladu ku yeesheen dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Maaliyadda oo Muqdisho ku Qaabilay Wafdi Heer Sare ah oo ka Socda Qaramada Midoobay
Wasiirka Maaliyadda oo Muqdisho ku Qaabilay Wafdi Heer Sare ah oo ka Socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa maalintii Isniinta xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan miro dhal ah kula yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobay.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Shoko Noda, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah Agaasimaha Xafiiska Dhibaatooyinka, iyo Lionel Laurens, Wakiilka Joogtada ah ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda isbeddellada dhaqaale, gaar ahaan saameynta ay abaarta, fatahaadaha, iyo isbeddelka cimiladu ku yeesheen dhaqaalaha dalka.

Waxay sidoo kale sahmiyeen hababka ugu wax ku oolka badan ee lagu xoojin karo adkeysiga dhaqaalaha iyo horumarinta mashaariicda horumar waara ee guud ahaan dalka. Doodaha ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP, iyadoo labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda dardargelinta barnaamijyada horumarinta iyo taageeridda dadaallada soo kabashada iyo kobaca dhaqaalaha.

XIGASHO:SONNA