Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray dhammaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka oo sanad kasta la xuso 3-da Maayo, isagoo ammaanay doorka lama huraanka ah ee warbaahintu ku leedahay horumarinta dhismaha nabadda, dowladnimada, iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xusay in maalintan ay tahay fursad muhiim ah oo lagu aqoonsado doorka qiimaha leh ee saxafiyiinta ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, kobcinta nabadda, ilaalinta hufnaanta macluumaadka, iyo xoojinta kalsoonida dadweynaha.
Sannadkan, xuska caalamiga ah ayaa si gaar ah diiradda u saaray isbeddelka warbaahinta ee ka dhashay casriyeynta iyo la qabsiga Sirdoonka Macmalka ah (AI), iyo sidoo kale doorka muhiimka ah ee warbaahintu ka qaadan karto dhiirrigelinta nabadda, xalinta khilaafaadka, iyo xasilloonida dunida maanta.
Wasiir Daa’uud ayaa carrabka ku adkeeyay in saxafadda Soomaaliyeed, sida hay’adaha warbaahinta ee dunida oo dhan, ay saaran tahay masuuliyad weyn oo ku aaddan u doodista nabadda, xoojinta caddaaladda, iyo taageeridda horumarka dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xuskan sannadkan uu ku soo beegmay xilli doorasho oo muhiim ah ay ka socdaan Soomaaliya, taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo warbaahin mas’uul ah oo taageerta doorashooyin nabdoon isla markaana dhiirrigelisa wadajirka bulshada.
Wasiirka ayaa dib u xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xorriyadda saxaafadda, hubinta badbaadada,ilaalinta saxafiyiinta, iyo abuurista jawi warbaahineed oo u saamaxaya xirfadlayaasha inay waajibaadkooda u gutaan si hufan oo mas’uuliyad iyo xirfadnimo leh.
Gabagabadii, Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay sii wadi doonto dadaalladeeda ku aaddan bixinta barnaamijyo lagu kobcinayo awoodda xirfadeed ee saxafiyiinta, xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha warbaahinta iyo hay’adaha dowladda, iyo taageeridda horumarinta warbaahin mas’uul ah, adkeysi leh, oo mustaqbal leh.




















