Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xamuud, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, si ay uga wadahadlaan xoojinta iskaashiga horumarinta xabsiyada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hagaajinta kaabeyaasha xabsiyada, xoojinta nidaamyada isgaarsiinta, iyo bixinta tababarka saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
SHEEKOOYIN KALE
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wadahadlay taageerada loo fidinayo agoonta ku nool xarun ku taalla degmada Afgooye, oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda gargaarka bini’aadantinimo.
XIGASHO:SONNA




















