| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Waxbarashada oo Amray in La Banneeyo Dhulka Jaamacadda Ummadda si Dib-u-dhis Loogu Sameeyo
Wasiirka Waxbarashada oo Amray in Laga Baxo Dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed si Dib-u-dhis Loogu Sameeyo
Wasiirka Waxbarashada oo Amray in La Banneeyo Dhulka Jaamacadda Ummadda si Dib-u-dhis Loogu Sameeyo
Wasiirka Waxbarashada oo Amray in La Banneeyo Dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed si Dib-u-dhis Loogu Sameeyo

Wasiirka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa amar ku bixiyay in dadka deggen dhulka ay leedahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay si degdeg ah uga guuraan.

Amarkan ayaa la bixiyay intii lagu guda jiray munaasabad dhagax-dhig ah oo lagu casriyeynayo jaamacadda, gaar ahaan xarunteeda Gaheyr, halkaas oo uu wasiirku ku adkeeyay in dhulku yahay hanti dadweyne oo loogu talagalay horumarinta qaranka iyo adeegga bulshada.

“Dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa hanti dadweyne. Dadka deggen waa inay si degdeg ah u banneeyaan si dib loogu dhiso loogana faa’iideeyo bulshada, ” ayuu yiri wasiirku.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Maxamed Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay bilowga mashruuca dib-u-dhiska, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dib loogu soo nooleynayo jaamacadda.

Waxa uu sidoo kale ammaanay Wasaaradda Waxbarashada dadaalladeeda joogtada ah ee ku aaddan horumarinta waxbarashada dalka.

“Waxaan qadarinaynaa sida ay Wasaaradda waxbarashada uga go’an tahay dib-u-dhiska iyo hagaajinta kaabeyaasha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

XIGASHO:SONNA