| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Dhiggiisa Aljeeriya oo ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, dib-u-heshiisiinta, xasillinta, maamulka maxalliga ah, iyo horumarinta hay’adaha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Dhiggiisa Aljeeriya oo ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Dhiggiisa Aljeeriya oo ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maamullada Maxalliga ah iyo Gaadiidka ee Aljeeriya Saïd Sayoud, iyo sidoo kale Madaxa Ammaanka Qaranka ee Aljeeriya iyo mas’uuliyiin kale oo heer sare ah, oo uu ku jiro Danjiraha Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, dib-u-heshiisiinta, xasillinta, maamulka maxalliga ah, iyo horumarinta hay’adaha.

Labada dhinac ayaa iftiimiyay xiriirka xooggan ee taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga iyo is-weydaarsiga waayo-aragnimada si loo taageero nabadda, xasilloonida, iyo dhismaha dowladnimada ee Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA