Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa haatan u diyaar-garoobaya doorashooyin taariikhi ah oo ku salaysan nidaamka ‘qof iyo cod’, kuwaas oo loo qorsheeyay in ay billowdaan 10-ka bishan May, xilli madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedka ay xoojinayaan dadaallada la xiriira sugidda amniga, wacyigelinta bulshada iyo abaabulka doorashada ee guud ahaan deegaannada maamulkaas.
Qayb ka mid ah dadaalladaas, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Jimcihii socdaal shaqo ku gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool, si uu u taageero diyaar-garowga doorashooyinka.
Wasiirka ayaa hoggaaminayay wafdi ballaaran oo ay ku jireen xubno ka tirsan Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada (JSP). Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in socdaalkan diiradda lagu saarayay dardargelinta abaabulka doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo qiimeynta xaaladda guud ee degmada Waajid iyo deegaannada ku xeeran.
Wafdiga ayaa markii ay gaareen degmada waxaa soo dhaweeyay maamulka heer gobol iyo mid degmo, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasabaddii soo dhaweynta, mas’uuliyiinta deegaanka iyo odayaasha dhaqanka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wada-shaqeynta shacabka iyo dowladda, iyo xaqiijinta sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen jawi wanaagsan.
Xubnihii halkaas ka hadlay ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo amniga, iyagoo carrabka ku adkeeyay in la iska kaashado ka hortagga khataraha soo wajaha shacabka.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay shacabka Waajid soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen, isagoo xusay in xukuumadda federaalka ay ka go’an tahay horumarinta barnaamijyada bulshada, dhisidda dowladnimada, iyo xoojinta is-dhexgalka, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka Soomaaliya (INEBC), Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa magaalada Baydhabo shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay amniga doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen saraakiisha sare ee amniga iyo Xoghayaha Guud ee guddiga, ayaa diiradda lagu saaray isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan jawi nabdoon.
Guddiga doorashooyinka INEBC ayaa xaqiijiyay in doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Koonfur Galbeed ay dhici doonaan 10-ka May, waxaana xigi doonta doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo la qaban doono 18-ka May, iyo tan Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo loo qorsheeyay in ay dhacdo 23-ka May.























