Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axaddii guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire, Col. Cismaan Dubbad Sugulle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa danjiraha ugu hambalyeeyay magacaabistiisa wuxuuna u rajeeyay guul gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti ee dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Dhankiisa, Danjire Cismaan Dubbad Sugulle ayaa gudbiyay salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay.
Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya labada dal ee deriska ah.




























