Turkiga ayaa xusaya sannad-guurada 104-aad ee Maalinta Guusha, isaga oo dib u milicsanaya dagaalkii go’aamiyay masiirka dal markaas wajahayay gumeysi iyo kala-qaybin, una gogol-xaaray madax-bannaanida iyo dhismaha Jamhuuriyadda Turkiga.
30-ka Agoosto waxaa lagu xusaa guushii ciidamada Turkigu 1922-kii ka gaareen dagaalkii Dumlupinar, oo soo afjaray awooddii ugu weynayd ee ciidamada Giriigga ee ku sugnaa galbeedka Anatolia.
Guushaas waxay dardargelisay wejigii ugu dambeeyay ee Dagaalkii Xorriyadda Turkiga, bixitaankii ciidamadii shisheeye iyo, ugu dambayn, aasaaskii Jamhuuriyadda Turkiga.
Munaasabado iyo xaflado lagu xusayo maalintan ayaa ka dhacaya guud ahaan dalka, iyadoo lagu maamuusayo Mustafa Kemal Atatürk iyo ciidamadii ka qaybgalay dagaalladii xorriyadda.
30-ka Agoosto sidoo kale waa Maalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, taas oo isku xiraysa guushii taariikhiga ahayd iyo kaalinta ciidamadu kaga jiraan sooyaalka qaranka.
Muhiimadda ay maalintani weli ugu leedahay aqoonsiga qaran ee Turkiga, hase yeeshee, waxay ka durugsan tahay dagaalkii Dumlupinar oo keliya.
Waddadii Dumlupinar
Bilowga sheekadu wuxuu ku laabanayaa dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.
Jabkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta wuxuu horseeday in Istanbul ay gacanta u gasho quwadihii xulafada, halka qaybo badan oo Anatolia ahna la qabsaday xilli ay quwadihii dagaalka ku guuleystay qorsheynayeen sidii loo kala qaybsan lahaa dhulkii boqortooyada.
Ciidamada Giriigga ayaa bishii May 1919-kii ka degay magaalada Izmir iyagoo taageero ka helaya quwadihii xulafada, kadibna waxay gudaha ugu sii siqeen Anatolia, xilli qorshihii lagu qaybsanayay dhulkii Cusmaaniyiinta uu durba socday.
Dhaqdhaqaaqii iska-caabbinta ee ka curtay Anatolia wuxuu ku dhisnaa mowqif cad: mustaqbalka dhulkaas waxaa go’aaminaya dadka ku nool, mana go’aaminayaan ergooyin ku shiraya caasimadaha Yurub.
Saddexdii sano ee xigay, iska-caabbinta oo markii hore ka koobnayd kooxo hubaysan oo kala firirsan ayaa isu beddeshay ciidan abaabulan oo awood u yeeshay inuu beddelo jihada dagaalka.
Bishii Agoosto 1922, ciidamada Turkigu waxay bilaabeen wejigii dagaalka ee go’aanka lahaa. 26-kii Agoosto ayay qaadeen Weerarkii Weynaa, iyagoo si degdeg ah u jebiyay fariisimihii ciidamada Giriigga. Maalintii xigtay waxay la wareegeen Afyonkarahisar, halka ciidamada Giriiggu dib ugu gurteen dhinaca Dumlupınar.
30-kii Agoosto, ciidamada Turkigu waxay Dumlupinar ku hareereeyeen oo ku jebiyeen qaybihii ugu muhiimsanaa ee ciidanka Giriigga, dagaalkaas oo taariikhda Turkiga ku galay magaca Dagaalkii Taliyaha Guud.
Ciidamada Turkigu halkaas kuma joogsan. Waxay u sii ruqaansadeen dhinaca galbeed, iyagoo 9-kii Sebteembar gaaray Izmir, dibna ula wareegay magaaladii uu saddex sano ka hor ka bilowday duullaankii Giriigga.
Guushii dagaalka oo horseedday Jamhuuriyad
Muhiimadda Dumlupinar kuma koobnayn jabkii militari ee ciidamada Giriigga.
Guushu waxay meesha ka saartay caqabaddii militari ee ugu weynayd ee hortaagnayd Dhaqdhaqaaqii Qaranka Turkiga iyo inuu gacanta ku dhigo Anatolia.
Waxay sidoo kale waddada u furtay Heshiiskii Xabbad-joojinta Mudanya ee bishii Oktoobar 1922, wada-xaajoodyadii Lausanne ee xigay iyo ku dhawaaqistii Jamhuuriyadda Turkiga sannadkii 1923.
Sidaas ayay guushii goobta dagaalku ugu gudubtay saldhig siyaasadeed iyo sharci oo lagu dhisay dowlad cusub.
Madaxda Turkiga ayaa weli sidaas u fasirta muhiimadda 30-ka Agoosto.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maalintan ku tilmaamay dib-u-dhalashadii ummadda Turkiga, xilli halgankii jiritaankeeda lagu xaqiijiyay madax-bannaanideeda.
Marka laga eego aragtidaas, 30-ka Agoosto waxay astaan u tahay ummad ay quwadihii xilligaasi u arkayeen mid dhammaatay, balse dooratay inay iyadu go’aansato mustaqbalkeeda halkii ay aqbali lahayd qorshe ay cid kale u dejisay.
Maxay 30-ka Agoosto weli muhiim u tahay?
Gumeysiga iyo qabsashadii dhulka Turkiga waxay dhammaadeen 1922-kii, balse fikraddii ka dhalatay waayahaas, in madax-bannaanida la ilaashado oo aan loo qaadan wax iska jira, waxay qayb ka noqotay hannaanka dowlad-dhisidda Turkiga qarnigii xigay.
Saamaynta arrintaas maanta waxay ka muuqataa meelo ka baxsan munaasabadaha lagu xuso guushii taariikhiga ahayd.
Turkiga oo mar si weyn ugu tiirsanaa dalal kale si uu u helo hubka iyo qalabka milatari, ayaa hadda gudaha ku soo saara in ka badan 85% qalabka ay u baahan yihiin ciidamadiisu, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maraakiibta dagaalka iyo gaadiidka gaashaaman.
Dhoofinta warshadaha difaaca iyo hawada ee Turkiga ayaa sidoo kale sannadkii 2025 kor u dhaaftay $10 bilyan.
Kobocaas ayaa qayb ka ah awoodda militari ee Turkiga, oo leh ciidanka labaad ee ugu badan NATO marka lagu cabbiro ciidamada firfircoon, iyo kaalinta sii ballaaranaysa ee Ankara ku leedahay iskaashiga warshadaha difaaca ee dalal ka baxsan isbahaysigaas.
Doorkaas ayaa mar kale soo muuqday bishan Agoosto, markii Turkigu heshiis difaac oo wadajir ah la saxiixday Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, kaas oo salka ku haya iskaashi dhanka ka-hortagga halisaha wadajirka ah.
Heshiiskaasi wuxuu Turkiga siinayaa kaalmo sii weynaanaysa oo uu ku leeyahay qaab-dhismeedka amniga gobolka, iyadoo Ankara aysan ku koobnayn ka falcelinta isbeddellada amniga, balse ay sii kordhinayso kaalinteeda qaabaynta arrimaha gobolka.
Dhaxalkii guusha
Askartii ku dagaallamaysay Dumlupinar 1922-kii ma aysan haysan sawirka Turkiga maanta jira. Waxay markaas wajahnaayeen su’aal ka toosnayd oo ka culus: in Anatolia ay sii ahaan doonto dhul ay iyagu maamulaan iyo in kale.
Hase yeeshee, wax badan oo ka dambeeyay jawaabtii ay dagaalkaas ka bixiyeen, laga soo bilaabo dhismihii Jamhuuriyadda ilaa warshadaha difaaca iyo awoodda istaraatiijiyadeed ee Turkigu dhisay qarnigii xigay, waxay raadkooda dib ugu celinayaan goobtii dagaalka ee Kütahya maalmihii ugu dambeeyay ee Agoosto 1922.
Maanta, 30-ka Agoosto waxay Turkiga u tahay xuska ummad diidday in cid kale u go’aamiso mustaqbalkeeda.
In ka badan qarni kadib, guushaasi waxay weli astaan u tahay go’aanka Turkiga ee ah inuu isagu qaabeeyo masiirkiisa.






















