Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa Axaddii Madaxtooyada Qaranka ee Muqdisho ku qaabilay wafdi ka kooban hoggaamiyeyaal ganacsi iyo maalgashadeyaal ka socday dalka Talyaaniga.
Wafdigan ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qaybgalka madal iskaashi oo ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Kulanka, oo uu sidoo kale ka qayb galay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga ee labada dal.
Wafdiga Talyaaniga ayaa waxaa ku jiray madax sare oo ka socday shirkado waaweyn, warshado, iyo maalgashadeyaal danaynaya fursadaha ganacsi ee sii kordhaya ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa soo dhaweeyay wafdiga, isagoo ku ammaanay booqashadooda, isla markaana tilmaamay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada amniga, soo kabashada dhaqaalaha, iyo dadaallada lagu abuurayo jawi ku habboon maalgashiga caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyay maalgashadeyaasha inay ka faa’iidaystaan fursadaha sii kordhaya ee dalka, gaar ahaan qaybaha:
Kaabeyaasha dhaqaalaha (Infrastructure)
Tamarta (Energy)
Kalluumeysiga (Fisheries)
Beeraha (Agriculture)
Wax-soo-saarka warshadaha (Manufacturing)
Adeegyada bulshada (Social Services)
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta jawi ganacsi oo saaxiibtinimo leh iyo xoojinta iskaashiyada dhaqaale ee gacan ka geysanaya horumar waara iyo abuurista shaqooyin cusub.
Dhankooda, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo maalgashadeyaasha Talyaaniga ayaa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran iyo fursadda ay u heleen inay si toos ah ula kulmaan hoggaanka dalka. Waxay sidoo kale dib u xaqiijiyeen xiisahooda ku aaddan sahaminta fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya, iyagoo xusay in suuqyada sii kobcaya iyo mashaariicda horumarineed ee socda ay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee ay danaynayaan.





















