Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista madaxda hay’ado dowladeed, saddex siyaasadood oo qaran iyo heshiis iskaashi oo lala galay Turkiga, kadib kulan looga hadlay xaaladda amniga, siyaasadda iyo hawlaha xukuumadda.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay magacaabista afar mas’uul oo loo xulay inay hoggaamiyaan hay’adaha qaabilsan dakhliga, qaxootiga iyo barakacayaasha, nidaaminta daawooyinka iyo agabka caafimaadka.
Golaha ayaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka u magacaabay Faysal Maxamed Xaashi, kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Maaliyadda.
Waxaa sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka loo magacaabay Khadar Maxamuud Xareed, kadib soojeedin ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta.
Dhanka caafimaadka, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan, oo noqday Maareeyaha Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Qaranka, halka Dr. Faarax Maxamed Sharaawe loo magacaabay Maareeye Ku-xigeenka hay’addaas.
Magacaabista labada mas’uul ayaa lagu saleeyey soo jeedin ka timid Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Sida lagu sheegay warbixinta dowladda, magacaabista mas’uuliyiintan ayaa lagu meel mariyay cod aqlabiyad ah.
Saddex siyaasadood oo qaran iyo heshiis lala galay Turkiga
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay saddex siyaasadood oo qaran oo la xiriira waxbarashada, daryeelka carruurta iyo arrimaha socdaalka.
Siyaasadaha la meel mariyay ayaa kala ah Siyaasadda Qaran ee Waxbarashada Farsamada iyo Tababarka Xirfadaha, Siyaasadda Qaran ee Kafaalada Carruurta Soomaaliyeed iyo Siyaasadda Qaran ee Nidaaminta Arrimaha Hijrada.
Waxaa intaas dheer heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca adeegyada bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay amniga iyo doorashooyinka
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka ka sheegay in xaaladda amniga dalka ay wanaagsan tahay, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu awood u leeyahay gudashada waajibaadka loo igmaday.
Wuxuu sidoo kale ka digay in la caadiyeeyo kooxaha argagixisada, isagoo sheegay in arrintaasi ay keeni karto khatar amni.
Dhanka siyaasadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorashooyinkii qof iyo cod ee dalka ka dhacay, kuwaas oo uu ku tilmaamay guul laga gaaray geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
RW Xamsa ayaa sheegay in wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka ay weli socdaan, isla markaana ay furan tahay gogosha wadatashiga ee dowladda, isagoo intaas ku daray in go’aannada laga gaarayo arrimaha doorashooyinka la waafajin doono dastuurka iyo shuruucda dalka.
Warbixinno ku saabsan Waqooyi Bari iyo xarunta Halmeel
Intii uu kulanku socday, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan qaybta qaabilsan siyaasadda loo dhan yahay, ayaa Golaha u soo bandhigay warbixin ku saabsan safar shaqo oo ay ku tageen Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Warbixinta ayaa lagu faahfaahiyay tababarro iyo taageero farsamo oo la siiyay mas’uuliyiinta maamulkaas, oo ay ku jiraan kuwa heer agaasime ah.
Golaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay maamulka Xarunta Adeegyada Mideysan ee Halmeel, oo ka warbixiyay halka ay marayaan diyaar-garowga iyo hawlaha lagu bilaabayo shaqada xarunta cusub.
Kulanka Khamiista, 12-kii Nofeembar, ayaa qayb ka ahaa shirarka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kuwaas oo lagu qiimeeyo hawlaha dowladda, laguna ansixiyo siyaasadaha, heshiisyada iyo magacaabista mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda.




























