| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Taageerayaasha Galatasaray oo Falastiin u muujiyay garab-istaag kulan ay 1-0 kaga badiyeen Liverpool
Galatasaray ayaa 1-0 kaga badisay Liverpool, guushan oo noqonaysa tii ugu horreysay ee ay ka gaarto tartanka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedkan.
Taageerayaasha Galatasaray oo Falastiin u muujiyay garab-istaag kulan ay 1-0 kaga badiyeen Liverpool
Boorar kale ayaa waxaa ku qornaa "Xoreeya Falastiin" iyo "U oggolaada dhallaanka Falastiin inay noolaadaan." / AA

Taageerayaasha kooxda kubadda cagta ee Turkiga, Galatasaray, ayaa muujiyay garab-istaaggooda Falastiiniyiinta ku nool Marinka Qaza ee go'doonsan iyo Daanta Galbeed ee la haysto, intii uu socday kulan ay la ciyaarayeen kooxda weyn ee Ingiriiska ee Liverpool.

Kulanka oo dhacay Talaadadii, ayaa taageerayaashu waxay siteen boorar ay ku qornaayeen erayo ay ka mid ahaayeen "Aadanuhu wuxuu damiirkiisii ku waayay Qaza" iyo "#XasuuqaFalastiin".

Boorar kale ayaa waxaa ku qornaa "Xoreeya Falastiin" iyo "U oggolaada dhallaanka Falastiin inay noolaadaan."

Dhinaca kale, ciyaarta kahor, taageerayaasha Galatasaray waxay tacsi u direen weeraryahankii geeriyooday ee Liverpool, Diogo Jota, oo bishii Luulyo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Spain.

Taageerayaasha ayaa sidoo kale sitay boor ay ku qoran tahay "Marnaba ku ilaawi mayno," kaas oo sidoo kale lagu xusay ciyaaryahankoodii hore ee Galatasaray, Ahmet Çalık, oo isna sannado kahor ku dhintay shil gaari.

Galatasaray ayaa awoodday inay ka badiso kooxda heysata horyaalka Ingiriiska ee Premier League, kadib markii weeraryahankooda Victor Osimhen uu shabaqa dhex dhigay rigoore daqiiqaddii 16-aad ee ciyaarta.

Natiijadan ayey Galatasaray ku hanatay guusheedii ugu horreysay ee tartanka UEFA Champions League iyo 3-dii dhibcood ee ugu horreeyay ee tartanka xilli ciyaareedkan.

Raadi Warar Kale
Erdogan oo markale xoojiyey taageeradiisa madaxbannaanida Suudaan ka dib kulan uu la qaatay RW Idris
MW Erdogan oo sheegay in xiisadaha gobolka ay sare u qaadeen muhiimadda xiriirka Turkiga iyo EU
Erdogan oo si adag u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Kolonyada Global Sumud Flotilla
Erdogan oo ku baaqay in la xoojiyo isku-duwidda dalalka Turkida ee difaaca, AI iyo amniga internetka
Turkiga oo beeniyay eedeymo “aan sal lahayn” oo ku saabsan faragelinta siyaasadda Soomaaliya
Mareykanka iyo Iiraan oo muujiyey “rabitaan ku filan” oo lagu joojinayo dagaalka: Wasiir Fidan
Erdogan: Isbeddellada cusub waxay muujinayaan baahida xiriir dhow oo Turkiga iyo Midowga Yurub ah
Marwada Koowaad ee Turkiga Emine Erdogan oo Istanbul ku martigelisay Boqoradda Belgium Mathilde
Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay heshiiska taageerada deeqda Soomaaliya
Is-ballaarinta Israa'iil waxay khatar ku tahay nabadda gobolka: Madaxweyne Erdogan
TRT oo 62-jirsatay: Madaxweyne Erdogan oo ammaanay doorka caalamiga ah ee warbaahinta TRT
Danjireyaal cusub oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan
Xiriirka Turkigu waa “istaraatiiji,” gobolkuna wuu ka bixi doonaa dhibaatooyinka jira: Sacuudiga
Turkiga oo wada qorshe ay carruurta ka yar 15-jirka kaga ilaalinayso baraha bulshada
Garaadka Macmalka ah iyo kacaanka tiknoolajiyadda oo dib u qaabeynaya shaqaalaha caalamka: Erdogan
MW Erdogan oo garab istaag u muujiyay Trump kadib isku day weerar oo ka dhacay munaasabad casho
Turkiga oo ku dhawaaqay soo laabashada Formula 1 iyadoo Istanbul Park lagu daray jadwalka 2027
Turkiga oo mamnuucay isticmaalka baraha bulshada ee dhalinta ka yar 15 jirka: Badbaadada Dijitaalka
Turkiga oo ballaarinaya doorkiisa diblomaasiyadeed isagoo martigeliyay hoggaamiyeyaal caalami ah
Jabuuti: Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo madaxda kale caalamka oo u hambalyaysay Geelle