Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Isniintii xafiiskiisa ku qaabilay Wamkele Mene, Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).
Xoghayaha Guud ee AfCFTA ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay hirgelinta waajibaadka AfCFTA iyo kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika.
Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta qaab-dhismeedka AfCFTA, isagoo xusay in Soomaaliya ay horey u ansixisay heshiiska.
Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato fursadaha ay AfCFTA ka bixiso dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee guud ahaan qaaradda Afrika.






















