| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
RW Xamsa oo Isku-shaandhayn ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay dedejiyaan hirgelinta howlaha iyo adeegyada ay wasaaradahoodu u xilsaaran yihiin.
RW Xamsa oo Isku-shaandhayn ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Magacaabis iyo Isku-shaandhayn ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis iyo isbeddel lagu sameeyay Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadan looga gol leeyahay dardargelinta howlaha dowladda iyo kor u qaadista hufnaanta shaqada hay’adaha kala duwan.

Magacaabistan ayaa lagu sameeyay si waafaqsan Qodobka 119-aad, farqaddiisa (D), ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiin cusub loo magacaabay xilalka Agaasimayaasha Guud ee saddex wasaaradood oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Dr. Maxamed Saneey Dalmar ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, halka Axmed Yuusuf Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Sidoo kale, Cabdullaahi Xasan Aadan ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, isagoo ka mid noqonaya mas’uuliyiinta cusub ee loo igmaday hoggaaminta howlaha maamul ee wasaaradaha dowladda.

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo howlaha hay’adaha dowladda iyo kor loogu qaadayo hufnaanta shaqada, iyadoo Agaasimayaasha Guud ay door muhiim ah ku leeyihiin maamulka iyo socodsiinta howlaha maalinlaha ah ee wasaaradaha loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay dedejiyaan hirgelinta howlaha iyo adeegyada ay wasaaradahoodu u xilsaaran yihiin.

Magacaabista Agaasimayaasha Guud ee cusub ayaa la filayaa inay gacan ka geysato xoojinta maamulka wasaaradaha ay hoggaankooda maamul la wareegayaan, iyadoo diiradda la saarayo dardargelinta shaqada iyo xaqiijinta in adeegyada dowladda loo fuliyo si hufan.

XIGASHO:SONNA