Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo taageerada dadaallada horumarineed ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii barnaamijyada iyo qorshayaasha IOM loogu waafajin lahaa mudnaanta ku cad Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029). Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hoggaamiso oo isku dubbariddo dadaallada horumarineed ee dalka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa qorsheynta wadajirka ah iyo isku-duwidda mashaariicda horumarineed, si barnaamijyada la fulinayo ay si dhow ula jaanqaadaan baahiyaha iyo mudnaanta qaranka.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday horumarinta nidaamyada xogta ee la xiriira socdaalka iyo barakaca. Xogtan ayaa muhiim u ah qorsheynta iyo hirgelinta barnaamijyada wax looga qabanayo arrimaha socdaalka, barakaca iyo horumarinta bulshada.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay dib-u-habeynta istaraatiijiyadda IOM ee Soomaaliya, si howlaha hay’addu ay ula jaanqaadaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo baahiyaha horumarineed ee dalka.
Agaasimaha Guud Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa bogaadiyay sida ay IOM uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taageerada qorshayaasha horumarinta qaranka.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku afgartay in la joogteeyo wadatashiyada, la ballaariyo iskaashiga, isla markaana la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo hirgelinta qorshayaasha horumarinta Soomaaliya.























