| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
MW Xasan Sheekh oo Belgrade u tagay Shir Madaxeedka Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM)
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Belgrade si uu hoggaamiyo wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalaya shirka heerka sare ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, kaas oo 1–2 Sebtembar ka dhacaya Serbia.
MW Xasan Sheekh oo Belgrade u tagay Shir Madaxeedka Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM)
MW Xasan Sheekh oo Belgrade u tagay Shir Madaxeedka Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM) / SONNA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia, halkaas oo uu hoggaaminayo wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalaya Shir Heer Sare ah oo ay yeelanayaan Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM), kaas oo 1-da ilaa 2-da Sebtembar 2026 ka dhacaya magaalada Belgrade.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray Belgrade waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia, waxaana la filayaa in uu qaabilo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia, Aleksandar Vučić.

Wafdiga Soomaaliya waxaa sidoo kale ka tirsan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo isaguna horay maanta u gaaray Belgrade.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee shirka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dib u xaqiijinaya sida Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da aasaasiga ah ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin ilaalinta madaxbannaanida dalalka, dhowrista midnimada dhuleed iyo in khilaafaadka lagu xalliyo si nabadeed.

Inta uu shirka socdo, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu soo bandhigo mowqifyada Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha looga hadlayo shirka, sidoo kalena uu kulamo laba geesood ah la yeesho madax iyo mas’uuliyiin ka socda dalalka kale ee ka qaybgalaya shirka.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha SoDMA oo BFS ka Warbixiyay Diyaar-garowga Musiibooyinka
Militariga Suudaan oo La Wareegay Deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta Kordofan: Ilo Milatari
Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo ka qeybgalay Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan
67 Qof oo ku Dhintay Goob Dahabka Laga Qodo oo ku Dumay Galbeedka Kordofan ee Suudaan
NIMCA oo Johannesburg ku Soo Gabagabeysay Shirweynaheedii, Soomaaliya oo Xubin Cusub Noqotay
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo Baydhabo ku Kormeeray Ciidamo Tababar Dhammaystay
Maamulka Gobolka Banaadir oo Digniin ka Soo Saaray Super El Niño, Xilli Roobab Xooggan ay Da’ayaan
Soomaaliya oo Bulshada ugu Baaqday inay U Diyaar-garoobaan Saameynta Suurtagalka ah ee Super El Niño
Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Warbixinta Dhaqaalaha 2025, Xilli Dakhliga Guduhu Kordhay
Turkiga iyo dalal kale oo cambaareeyay weerarkii Xuutiyiinta ee Makka
Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Gaaray Qaahira, Lana Kulmay Madaxweynaha Masar
Wasiirka Awqaafta oo ka Qaybgalaya Shir Caalami ah oo ka Dhacaya Mauritania
Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo OHCHR oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga oo Qaabilay Wafdi ka Socda Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee AU
NISA oo Burburisay Shabakado Al-Shabaab ah, 11 Xubnoodna ku Qabatay Muqdisho
Soomaaliya: Kumannaan isu soo baxay si ay u taageeraan iskaashiga istiraatiijiga ah ee Turkiga
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Jiidda Hore ee Baydhabo
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Ku Biiray Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-banaan ee Afrika
Jabuuti oo qaabishay in ka badan 2,000 oo qaxooti Yemeni ah oo ka soo cararay colaadda dalkooda