| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay akhrinta koowaad ee sharciyada qoyska iyo xuquuqda carruurta
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa muujisay rajada ay ka qabto in Golaha Shacabka uu ansixiyo hindise-sharciyeedyada arrimaha qoyska iyo xuquuqda carruurta
Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay akhrinta koowaad ee sharciyada qoyska iyo xuquuqda carruurta
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi / Others

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay akhrinta koowaad ee laba hindise-sharciyeed oo ku saabsan arrimaha qoyska iyo xuquuqda carruurta, kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa qayb ka ahaa kalfadhiga siddeedaad ee Golaha, waxaana lagu sii ambaqaaday doodihii iyo su’aalihii ku saabsanaa labada hindise-sharciyeed oo bilaabmay kulankii hore.

Xildhibaannada ayaa Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, weydiiyay su’aalo la xiriira qodobbada labada hindise-sharciyeed iyo saameynta ay ku yeelan karaan qoysaska iyo carruurta Soomaaliyeed.

Al-Makhzoumi ayaa qoraal ay ku daabacday barteeda Facebook ku sheegtay in tirada xildhibaannada doonayay inay su’aalo ka weydiiyaan sharciyada ay badnayd, taas oo keentay in doodda lagu sii wado kulan kale.

Waxay sheegtay inay xildhibaannada uga jawaabtay su’aalihii ay ka qabeen labada hindise-sharciyeed, iyadoo tilmaantay in doodaha iyo aragtiyaha la soo jeediyay ay muujinayaan muhiimadda loo arko sharciyadan.

Wasiirka ayaa sidoo kale muujisay rajada ay ka qabto in Golaha Shacabka uu ansixiyo hindise-sharciyeedyada arrimaha qoyska iyo xuquuqda carruurta, iyadoo xustay xaaladaha ay ku sugan yihiin qoysaska iyo carruurta Soomaaliyeed.

XIGASHO:TRT SOMALI