Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa inay dib u hawlgeliso Somali Airlines, iyadoo shirkadda diyaaradaha qaranka la filayo inay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyso bisha Sebtembar 2026, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macallin Xasan.
Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah dib u soo nooleysay shirkadda diyaaradaha qaranka bishii Luulyo 2025, kaddib markii ay saxiixday heshiis lagu soo iibsanayo laba diyaaradood oo nooca Airbus A320 ah. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Rayidka Maxamed Faarax ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, iyadoo qorshuhu yahay in duulimaadyadu marka hore isku xiraan gobollada dalka, ka hor inta aan loo ballaarin duulimaadyada caalamiga ah.
Dowladda ayaa sheegtay in dib u soo nooleynta Somali Airlines looga gol leeyahay in la wanaajiyo isku xirnaanta Soomaalida ku nool dalka iyo kuwa dibadda, isla markaana fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada xirfadlayaasha ah ee dhinaca duulista.
Labada diyaaradood ee ugu horreeya ee A320 ayaa la filayaa inay saldhig u noqdaan diyaaradaha shirkadda dib loo hawlgelinayo, iyadoo la qorsheynayo in laba ama saddex diyaaradood oo kale lagu daro sannadka 2026, ugu dambeynna la keeno diyaarado waaweyn oo awood u leh inay sameeyaan duulimaadyo caalami ah oo masaafo dheer.
Soomaaliya ayaa sidoo kale maalgashi ku sameyneysa kaabeyaasha garoomada diyaaradaha. Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa la casriyeynayaa, halka dowladdu qorsheyneyso inay dib u dayactirto 15 ka mid ah 72-ka garoon diyaaradeed ee dalka, si loo waafajiyo heerarka caalamiga ah.
Duuliyeyaasha iyo xirfadlayaasha duulista Soomaaliyeed ee dibadda lagu soo tababaray ayaa sidoo kale la qorayaa si ay gacan uga geystaan dib u dhiska awoodda farsamo ee shirkadda, iyadoo Soomaalida qurbo-joogta ah la filayo inay door muhiim ah ka qaataan.
Kaddib in ka badan 35 sano oo Soomaaliya aysan lahayn shirkad diyaaradeed qaran oo dowladdu leedahay, soo laabashada la qorsheeyay ee Somali Airlines ayaa lagu tilmaamay qayb ka mid ah dadaallada ballaaran ee dib loogu dhisayo waaxda duulista dalka laguna horumarinayo dhaqaalaha iyo horumarka qaranka.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xassan, ayaa sheegay in Somali Airlines ay gaartay heerkii ugu dambeeyay ee diyaar-garowga, lana filayo inay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyso bisha Sebtembar.
“Somali Airlines waxay maraysaa heerkii ugu dambeeyay,” ayuu Xasan ka sheegay kulan dowladeed. “Waxaan filayaa in duulimaadkii ugu horreeyay uu bilaaban doono bisha Sebtembar. Sannadkan, Insha’Allah, waan bilaabi doonnaa.”
Xasan ayaa hadalkan ka sheegay kulan dowladeed oo lagu qiimeynayay diyaarinta warbixinta waxqabadka Soomaaliya ee 2022–2026.
Somali Airlines, oo hore loogu yaqaannay “White Star,” ayaa joojisay hawlaheeda sannadkii 1991, kaddib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo dagaalladii daba dheeraaday ee ka qarxay Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sannadkii hore sheegtay in shirkadda diyaaradaha ee dib loo soo nooleynayo ay yeelan doonto shan diyaaradood, halka Wasiirka Gaadiidka Maxamed Faarax uu bishii Luulyo 2025 ku dhawaaqay in dalku soo iibsaday diyaarado nooca Airbus A320 ah oo loogu talagalay shirkadda.
Dowladda ayaa hadda isku diyaarinaysa inay dib u hawlgeliso shirkadda diyaaradaha qaranka, taas oo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo waaxda duulista Soomaaliya. Sannadkii 2018, Soomaaliya ayaa dib ula wareegtay maamulka buuxa ee hawadeeda, kaddib tobannaan sano oo maamulka hagista hawada dalka laga maamulayay meel ka baxsan Soomaaliya.
Tan iyo markaas, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay maalgashi ballaaran ku sameysay kaabeyaasha maamulka hawada. Sida uu sheegay Xasan, adeegyada hagista hawada ee hadda jira waxay sannadkii soo saaraan ku dhowaad 20 milyan oo dollar, iyadoo casriyeyn dheeraad ah la filayo inay dakhliga sannadlaha ah gaarsiiso ku dhowaad 52 milyan oo dollar.
Xasan ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda SalamAir ee Cumaan ay dhammaystirtay diyaar-garowga ay duulimaadyada ku bilaabayso bisha Sebtembar, halka shirkadda RwandAir ee Rwanda la filayo inay adeegyada bilowdo bisha Nofeembar. Shirkadda Flynas ee Sacuudi Carabiya ayaa iyaduna isku diyaarinaysa inay duulimaadyo ku tagto Soomaaliya.
Wargeyska Focus ee dalka Jarmalka ayaa sidoo kale qoray qorshaha dib loogu soo celinayo Somali Airlines, isagoo cinwaan uga dhigay “Somali Airlines oo Dib u Bilaabaysa Hawlaheeda Bartamaha Sebtembar.”
Sida lagu sheegay warbixinta, Somali Airlines waxay ka hor 1991 toddobaadkii laba jeer duulimaadyo ku tagi jirtay Jarmalka. Shirkadda ayaa la sheegay inay Frankfurt ka duuli jirtay Isniin iyo Jimce kasta saacadda 17:20, iyadoo ku hakan jirtay Rome si ay transit u sameyso una qaaddo rakaab dheeraad ah, ka hor inta aysan u sii gudbin Muqdisho.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay diyaarad Boeing 707 ah oo ay lahayd Somali Airlines, taas oo sawir looga qaaday Frankfurt sannadkii 1987.
Dib u soo laabashada la qorsheeyay ee Somali Airlines bisha Sebtembar waxay calaamad u noqon doontaa dib u soo nooleynta shirkaddii diyaaradaha qaranka ee hawlaheeda joojisay in ka badan soddon sano ka hor, waxayna noqonaysaa tallaabo kale oo ka mid ah dadaallada Soomaaliya ay dib ugu dhiseyso waaxda duulista dalka.






















