| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga iyo Difaaca
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Difaaca Qatar, Sheekh Saud bin Abdulrahman bin Hassan Al Thani, ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca iyo la-dagaallanka argagixisada.
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga iyo Difaaca
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga iyo Difaaca / SONNA

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa wadahadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Difaaca Qatar, Sheekh Saud bin Abdulrahman bin Hassan Al Thani, taas oo qayb ka ahayd kulamada rasmiga ah ee uu la yeelanayo madaxda sare ee Qatar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo difaaca, iyo horumarinta xasilloonida gobolka iyo tan caalamka, iyadoo si gaar ah xoogga loo saaray iskaashiga lagula tacaalayo khatarta sii kordheysa ee argagixisada isaga gudubta xuduudaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay horumarka Soomaaliya ka sameysay sugidda amniga magaalooyinka waaweyn iyo hawlgallada milatari ee socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sheekh Saud, oo Ra’iisul Wasaaraha ku booqday hoyga uu ka deggen yahay Doha, ayaa xaqiijiyay taageerada Qatar ee Soomaaliya, wuxuuna muujiyay sida dowladdiisu diyaar ugu tahay inay sii ballaariso iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isagoo bogaadiyay heerka wanaagsan ee xiriirka labada dal. Wuxuu sidoo kale Qatar uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso madax-bannaanida Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii dalku wajahayay caqabado dibadeed oo ku saabsan midnimada dhuleed.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha SoDMA oo BFS ka Warbixiyay Diyaar-garowga Musiibooyinka
Militariga Suudaan oo La Wareegay Deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta Kordofan: Ilo Milatari
Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo ka qeybgalay Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan
67 Qof oo ku Dhintay Goob Dahabka Laga Qodo oo ku Dumay Galbeedka Kordofan ee Suudaan
NIMCA oo Johannesburg ku Soo Gabagabeysay Shirweynaheedii, Soomaaliya oo Xubin Cusub Noqotay
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo Baydhabo ku Kormeeray Ciidamo Tababar Dhammaystay
Maamulka Gobolka Banaadir oo Digniin ka Soo Saaray Super El Niño, Xilli Roobab Xooggan ay Da’ayaan
Soomaaliya oo Bulshada ugu Baaqday inay U Diyaar-garoobaan Saameynta Suurtagalka ah ee Super El Niño
Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Warbixinta Dhaqaalaha 2025, Xilli Dakhliga Guduhu Kordhay
Turkiga iyo dalal kale oo cambaareeyay weerarkii Xuutiyiinta ee Makka
Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Gaaray Qaahira, Lana Kulmay Madaxweynaha Masar
Wasiirka Awqaafta oo ka Qaybgalaya Shir Caalami ah oo ka Dhacaya Mauritania
Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo OHCHR oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga oo Qaabilay Wafdi ka Socda Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee AU
NISA oo Burburisay Shabakado Al-Shabaab ah, 11 Xubnoodna ku Qabatay Muqdisho
Soomaaliya: Kumannaan isu soo baxay si ay u taageeraan iskaashiga istiraatiijiga ah ee Turkiga
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Jiidda Hore ee Baydhabo
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Ku Biiray Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-banaan ee Afrika
Jabuuti oo qaabishay in ka badan 2,000 oo qaxooti Yemeni ah oo ka soo cararay colaadda dalkooda