Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisu uu ku adkaysanayo inuu ka fogaado “goobaada dabka ah” ee ka dhalatay colaadda sii xoogaysanaysa ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Iiraan, isagoo ka digay in xaaladdu isu beddesho dagaal daba-dheeraada oo khasaare badan ku faafa gobolka oo dhan.
Madaxweyne Erdogan, oo ka hadlayay shir jaraa’id kaddib kulankii Golaha Wasiirrada ee ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Ankara, ayaa caddeeyey in Turkigu si xilkasnimo leh u maareynayo xaaladdan, isagoo adeegsanaya waxa uu ku sifeeyey “caqli-dawladnimo” ku dhisan degganaansho iyo taxaddar.
“Waxaan go’aansannay inaan dalkayaga ka ilaalinno goobaada dabka ah,” ayuu yiri Erdogan, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Ankara aysan doonaynin in dagaalku gaaro heer ay ku lug yeeshaan dawladaha gobolka.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Turkigu yahay mid ka mid ah dalalka sida saxda ah u fahmay xaaladda kacsan ee gobolka, isagoo yiri, “Turkiga wuxuu safka hore kaga jiraa dalalka lagu ammaano inay si dhab ah u akhriyeen geeddi-socodka gobolkayaga ka buuxa urta dhiigga iyo baaruudda.”
Wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyey in Ankara aysan ku dhici doonin dabinnada loogu talagalay in dalka loogu jiido colaadda, isagoo xusay inay dhawrayaan mabaadi’da xiriirka darisnimo iyo wadajirka gobolka.
Erdogan ayaa si kulul u naqdiyey Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isagoo ku eedeeyey inuu hurinayo xasillooni-darrada,“Shabakadda xasuuqa ee uu hoggaaminayo Netanyahu waa in si degdeg ah loo joojiyaa, si loo badbaadiyo nabadda gobolka iyo bini’aadantinimada,” ayuu yiri, isagoo ugu baaqay caalamka inay qaataan go’aan geesinimo leh.
Wuxuu intaas ku daray in kasta oo dagaalku u dhexeeyo Israa’iil iyo dhinacyada kale, haddana saamayntiisa laga dareemayo adduunka oo dhan, “25-kii maalmood ee u dambeeyey waxay muujiyeen in kasta oo uu kani yahay dagaalka Israa’iil, haddana qiimaha waxaa bixinaya adduunka oo dhan... Waa dagaal uu Netanyahu u adeegsanayo badbaadada siyaasadeed, balse culayska waxaa xambaarsan siddeed bilyan oo qof.”
Madaxweyne Erdogan ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Marinka Hormuz, halkaas oo uu maro 20% ganacsiga tamarta adduunka. Wuxuu ka digay in xirnaanshaha marinkaasi uu keeni karo qalqal weyn oo ku yimaada dhaqaalaha caalamka.
Wuxuu ku baaqay in la soo afjaro dagaalkan ka hor inta uusan dhaawac aan laga soo kaban karin u geysan nidaamka dhaqaale, isagoo codsaday in dib loo furo waddooyinka wada-hadalka iyo diblomaasiyadda.
Ugu dambayntii, Erdogan wuxuu ka hadlay saameynta dhaqaale, gaar ahaan kor u kaca qiimaha shidaalka. Wuxuu sheegay in dawladdu ay qaaday tallaabooyin lagu difaacayo muwaadiniinta, sida nidaamka isu-dheellitirka shidaalka si looga gaashaanto isbeddellada kediska ah ee dhaqaalaha.
“Ma jirto wax shaki ah; adkaysiga dhaqaalaha Turkiga wuxuu maanta joogaa heerkii ugu sarreeyey ee taariikhda si uu u wajahayo xaalad kasta oo dibadda ka timaadda,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray madaxweynuhu.

















