| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Maraakiib ku xaniban marinka Hormuz kadib amar ay Iiraan ku bixisay in ay soo maraan ciidanka badda
Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa sheegay in ay suurtagal tahay jiritaanka miinooyin ka dhan ah maraakiibta oo ku safraya waddada ugu weyn ee marin-biyoodka istaraatiijiga ah.
Maraakiib ku xaniban marinka Hormuz kadib amar ay Iiraan ku bixisay in ay soo maraan ciidanka badda
Maraakiib ku xaniban marinka Hormuz kadib amar ay Iiraan ku bixisay in ay soo maraan ciidanka badda / User Upload
10 saacadood ka hor

Tiro badan oo maraakiib ah ayaa ku xanibmay marin-biyoodka Hormuz subaxnimadii Khamiista, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Tasnim ee Iiraan.

Wakaaladda Wararka Iiiraan ee Tasnim ayaa sheegtay in “tiro aad u badan” oo maraakiib ah ay ku xanniban yihiin marin-biyoodkan istaraatiijiga ah.

Warbixintan ayaa timid saacado kadib markii telefishinka dowladda Iiraan ee IRIB uu soo xigtay Hay’adda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo sheegtay in maraakiibta doonaya inay maraan marin-biyoodka ay tahay inay la xiriiriyaan Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) isla markaana isticmaalaan marinnada loo qoondeeyay.

Hay’adda dekedaha iyo gaadiidka badda ayaa fiidkii Arbacadii sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan tahay “sababo la xiriira xaaladda dagaal ee Gacanka Faaris iyo suuragalnimada jiritaanka miinooyin ka dhan ah maraakiibta oo ku jira waddada ugu weyn ee maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.”

Isbedelladan ayaa imanaya maalin kadib markii Maraykanka iyo Iiraan ay ku dhawaaqeen heshiis xabbad-joojin ah oo loogu talagalay in gogol xaar loogu sameeyo heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjaro dagaal ay Washington iyo Tel Aviv ku qaadeen Tehran 28-ka Febraayo.

Halka mas’uuliyiinta Iiraan iyo Pakistan ay sheegeen in heshiiska uu sidoo kale ku jiro Lubnaan, Israa’iil ayaa ku adkaysatay in Lubnaan aysan ka mid ahayn xabbad-joojinta, isla markaana Arbacadii qaaday duqeymo ballaaran oo cirka ah oo ka dhacay dalka.

XIGASHO:AA