| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Jaamacadda Kenyatta oo kala saxiixday heshiis waxbarasho oo la siinayo 250 gabdhood
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya barnaamij deeq waxbarasho oo heerka labaad ee Master’s-ka ah, kaas oo la siinayo 250 gabdhood oo Soomaaliyeed. Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa si buuxda u maalgelinaysa kharashka ardaydan.
Soomaaliya iyo Jaamacadda Kenyatta oo kala saxiixday heshiis waxbarasho oo la siinayo 250 gabdhood
Wasaaradda Waxbarashada JF Soomaaliya iyo Jaamacadda Kenyatta oo kala saxiixday heshiis waxbarasho oo la siinayo 250 gabdhood / User Upload

Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi heshiis is-afgarad ah kula saxiixatay Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya, si loo ballaariyo iskaashiga dhinacyada tacliinta sare, cilmi-baarista, iyo awood-dhiska hay’adaha ee labada dal.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya barnaamij deeq waxbarasho oo heerka labaad ee Master’s-ka ah, kaas oo la siinayo 250 gabdhood oo Soomaaliyeed. Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa si buuxda u maalgelinaysa kharashka ardaydan.

Sida uu dhigayo heshiiska, Jaamacadda Kenyatta ayaa bixin doonta adeegga waxbarashada iyo nidaamka tacliinta, halka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay martigelin doonto fulinta barnaamijka.

Iskaashiga u dhexeeya labadan hay’adood ayaa sidoo kale waaxa ka mid ah qabashada shirar aqooneed, cilmi-baaris wadajir ah, iyo wadaagga qalabka tignoolajiyada. Qorshahan ayaa waxaa sidoo kale ku jira abuurista tababarro iyo barnaamijyo layli-shaqo oo kor u qaadaya xirfadaha shaqo ee ardayda.

Heshiiska ayaa waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Waxbarashada, Xasan Maxamed Cali, halka dhanka Jaamacadda Kenyatta uu wakiil ka ahaa Paul Wainaina. Saxiixa heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafdi ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda, Fu’aad Mire Xasan.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo-darradu hayso oo khatar ugu jira saamaynta dagaalka Iiraan
Soomaaliya & QM oo Muqdisho ka daah-furay wajiga 2aad ee mashruuca ilaalinta iyo nabadeynta haweenka
Xarunta Baarlamaanka Minnesota oo martigelisay Maalinta Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kala hadlay nidaamka qof iyo cod
Diyaaradda Madaxweynaha Israa’iil Herzog oo gashay wareeg dheer kadib diidmo uga timi hawada Turkiga
Soomaaliya oo Horumarinaysa Dadaallada Maalgashiga Duulista Hawada
Shir-madaxeedka Caafimaadka qaaradda Afrika oo ka furmay Nairobi
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Turkiga TURKSOM
Soomaaliya iyo Cumaan oo Horumarinaya Iskaashi Maalgashi oo Istaraatiiji ah
Soomaaliya oo dardargelinaysa nidaaminta socdaalka shaqada iyo xakamaynta shirkadaha shaqaaleysiinta
Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinaya xiriirkooda istaraatiijiga ah
Ugu yaraan 17 tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Aljeeriya
Safiirkii Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo xilka wareejiyay
Kenya: Ardayda Soomaaliyeed oo ka qayb galay Bandhigga Dhaqamada Caalamiga ah
Booliis Soomaaliyeed oo lagu soo tababaray Jabuuti oo dalka dib ugu laabanaya
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Muqdisho ka yagleelay xarun cilmi-baaris diblomaasiyadeed oo cusub
Midowga Yurub oo €75 milyan ku taageeray hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
Danjiraha Soomaaliya ee Nigeria oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay Madaxweyne Tinubu
Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 174 dhallinyaro ah oo ku go’doonsanaa Liibiya
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay mashruuc xal waara loogu raadinayo barakacayaasha