Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), Cumar Faaruuq Cismaan, ayaa kulan uu la yeeshay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktash, diiradda lagu saaray dhiirrigelinta shaqo hufan iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.
Kulankan oo ka dhacay Safaaradda Turkiga ee caasimadda Muqdisho ayaa hoosta looga xarriiqay doorka muhiimka ah ee ay arrimaha shaqaaluhu ku leeyihiin xaqiijinta koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo xasilooni bulsho.
Waxaa sidoo kale la carrabaabay muhiimadda ay leedahay in danaha shaqaalaha lagu daro iskaashiga dhaqaale ee laba-geesoodka ah.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh iskaashi dhinacyo badan taabanaya, oo ay ka mid yihiin kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada, iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kulankani uu ka turjumayo dadaallada socda ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta, isla markaana lagu xaqiijinayo in arrimaha shaqaalaha qayb looga dhigo mashaariicda dhaqaale ee Turkigu uu ka fuliyo Soomaaliya.
Danjire Aktaş ayaa kulankan ku tilmaamay mid “wax-ku-ool ah,” isagoo xusay in horumarinta shaqada hufan ay gacan ka geysato koboca dhaqaalaha iyo nabadda bulshada.
Dhankooda, mas’uuliyiinta FESTU ayaa markale xaqiijiyay inay ka go’an tahay horumarinta xuquuqda shaqaalaha, iyagoo u maraya wada-hadallo ay la yeeshaan dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in kor loogu qaado awoodda hay’adaha Soomaaliya, isla markaana lagu abuuro fursado dhaqaale oo loo dhan yahay, iyadoo loo marayo iskaashiga caalamiga ah.


















