| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku dhawaaqay qorshe lagu casriyeynayo safaaradaha dalka
Wasiirka oo safar rasmi ah ku jooga Saldanada Cumaan, ayaa arrintan shaaciyay xilli uu kormeer shaqo ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, halkaas oo uu kulamo kula qaatay safiirka Soomaaliya u fadhiya Cumaan, Bashiir Xasan Xaaji.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku dhawaaqay qorshe lagu casriyeynayo safaaradaha dalka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali oo booqasho ku tagey safaaradda Soomaaliya ee Cumaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Muscat ee dalka Cumaan kaga dhawaaqay qorshe ballaaran oo ay xukuumaddu ku doonayso in ay ku casriyeyso adeegyada safaaradaha dalka ee dibadda.

Wasiirka oo safar rasmi ah ku jooga Saldanada Cumaan, ayaa arrintan shaaciyay xilli uu kormeer shaqo ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, halkaas oo uu kulamo kula qaatay safiirka Soomaaliya u fadhiya Cumaan, Bashiir Xasan Xaaji, iyo diblomaasiyiinta kale ee safaaradda ka hawlgala.

Intii uu kormeerku socday, wasiirka ayaa dib-u-eegis ku sameeyay habsami-u-socodka hawlaha diblomaasiyadeed iyo tayada adeegyada qunsuliyadeed ee la siiyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.

Wuxuu maamulka iyo shaqaalaha safaaradda faray in ay dardargeliyaan shaqada, isagoo si gaar ah carrabka ugu adkeeyay baahida loo qabo in sare loo qaado hufnaanta, xirfadda shaqo, iyo in si degdeg ah loogu jawaabo baahiyaha muwaadiniinta.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid xukuumadda Muqdisho ay ku doonayso in ay ku soo celiso kalsoonida shacabka ee laamaha matalaadda dalka ee dibadda.

Dhanka kale, wasiir Cabdisalaam ayaa dardaaran adag ka bixiyay in la horumariyo xaaladaha shaqada iyo heerka xirfadeed ee adeeg-bixinta, taas oo uu ku tilmaamay in ay qayb weyn ka tahay ajandaha guud ee wasaaraddiisa.

Qorshahan ayaa diiradda saaraya sidii safaaradaha Soomaaliya ay u noqon lahaayeen kuwo si dhab ah u matala danaha qaranka, isla markaana bixiya adeegyo hufan oo la isku halleyn karo, xilli dowladda federaalka ahi ay xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay waddamada caalamka, gaar ahaan kuwa gobolka.

Raadi Warar Kale
Marwada Koowaad Sahro Cumar Xasan oo Booqasho ku Tagtay Xarunta Daryeelka Carruurta Agoonta ah
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Kulan Lagu Xoojinayo Taageerada Xabsiyada la yeeshay Safiirka Shiinaha
Wasiirka Deegaanka XFS oo Ka Qaybgalay Madasha Afrika ee Horumarka Waara: Itoobiya
Soomaaliya oo Daahfurtay Mashruuca Bulsho ee Xoojinta Maamul Wanaagga iyo Dhismaha Nabadda
Wasiirka Dekadaha Cabdulqaadir oo la guddoonsiiyay abaalmarinta ‘Siyaasiga Ugu Saameynta Badan 2026’
Saddex ganacsade oo lagu toogtay bartamaha magaalada Johannesburg xilli ay quraacanayeen
QM oo si kulul u cambaaraysay weerarrada salka ku haya ajnabi-nacaybka ee Koonfur Afrika
Soomaaliya iyo ASYAD oo Ka Wadahadlay Iskaashi Istaraatiiji ah oo Ku Saabsan Dekedaha iyo Saadka
Carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo-darradu hayso oo khatar ugu jira saamaynta dagaalka Iiraan
Soomaaliya & QM oo Muqdisho ka daah-furay wajiga 2aad ee mashruuca ilaalinta iyo nabadeynta haweenka
Xarunta Baarlamaanka Minnesota oo martigelisay Maalinta Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kala hadlay nidaamka qof iyo cod
Diyaaradda Madaxweynaha Israa’iil Herzog oo gashay wareeg dheer kadib diidmo uga timi hawada Turkiga
Soomaaliya oo Horumarinaysa Dadaallada Maalgashiga Duulista Hawada
Shir-madaxeedka Caafimaadka qaaradda Afrika oo ka furmay Nairobi
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Turkiga TURKSOM
Soomaaliya iyo Cumaan oo Horumarinaya Iskaashi Maalgashi oo Istaraatiiji ah
Soomaaliya oo dardargelinaysa nidaaminta socdaalka shaqada iyo xakamaynta shirkadaha shaqaaleysiinta
Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinaya xiriirkooda istaraatiijiga ah
Ugu yaraan 17 tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Aljeeriya