Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa la wareegtay 10 aqal-beereed oo dheeraad ah oo ay hirgelisay Hay’adda Iskaashiga iyo Isku-duwidda Turkiga (TİKA), iyadoo la kaashaneysa Wasaaradda, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo beeraha, lagu kordhinayo wax-soo-saarka cuntada gudaha iyo abuurista fursado shaqo oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed.
Mashruucan ayaa ah wejigii labaad ee taageerada TİKA ay siineyso waaxda beeraha Soomaaliya, isagoo daba socda wejigii hore oo 10 aqal-beereed lagu wareejiyay haween dhallinyaro ah, si loo taageero ka qeybgalka ay ku leeyihiin beeraha iyo howlaha dakhli-abuurka.
Munaasabadda wareejinta aqal-beereedyadan dheeraadka ah ayaa waxaa hoggaaminayay Siyaad Cabdi Jaamac, Ku-simaha Agaasimaha Guud, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
Aqal-beereedyadan cusub ayaa la filayaa in loo qoondeeyo dhallinyaro kale, si ay u helaan fursado ay kaga qeybqaataan wax-soo-saarka beeraha ee casriga ah, isla markaana ay ku horumariyaan ilo nololeed oo waara.
Wasaaradda ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta sugnaanta cuntada, ballaarinta wax-soo-saarka beeraha gudaha iyo dhiirrigelinta shaqo-abuurka haweenka iyo dhallinyarada, iyadoo bogaadisay iskaashiga iyo taageerada TİKA ee horumarinta beeraha Soomaaliya.























