| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood, gaar ahaan baasaboorrada diblomaasiga ah, kuwa adeegga iyo baasaboorrada rasmiga ah ee dowladda, habraacyada socdaalka, iyo isdhaafsiga macluumaadka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xuseen Qaasim Yuusuf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood, gaar ahaan baasaboorrada diblomaasiga ah, kuwa adeegga iyo baasaboorrada rasmiga ah ee dowladda, habraacyada socdaalka, iyo isdhaafsiga macluumaadka si loo wanaajiyo isku dubbaridka iyo bixinta adeegyada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo wadajir ah si loo xoojiyo iskaashiga la xiriira dukumiintiyada safarka dowladda iyo arrimaha qunsuliyadeed ee la xiriira.

XIGASHO:SONNA