| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Turkiga oo soo furtay markab ay burcad-badeeddu ka afduubteen xeebaha Eyl
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in hawlgalku uu ku salaysnaa heshiiska iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo labada dal u oggolaanaya inay xoojiyaan wada-shaqaynta ku aaddan ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sugidda amniga badaha
Soomaaliya iyo Turkiga oo soo furtay markab ay burcad-badeeddu ka afduubteen xeebaha Eyl
Intii hawlgalku socday, afar doon oo ay burcad-badeeddu adeegsanayeen ayaa la burburiyey / Reuters

Ciidanka Badda Turkiga iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal wadajir ah ku soo furtay markabka xamuulka ee MV LATUF, oo burcad-badeeddu ka afduubteen xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in markabka la afduubtay 17-kii Agoosto, xilli uu marayay meel u dhow xeebta Jifle ee degmada Eyl, gobolka Nugaal, isla markaana hawlgalka lagu soo furtay uu socday muddo 10 maalmood ah.

Intii hawlgalku socday, afar doon oo ay burcad-badeeddu adeegsanayeen ayaa la burburiyey, halka 14 ka mid ah burcad-badeedda ay ku dhinteen, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda.

Cadaadis joogto ah oo ay ciidamada Soomaaliya iyo Turkigu saareen kooxdii afduubka geysatay ayaa ugu dambeyn ku qasbay burcad-badeedda hartay inay ka cararaan markabka.

Ciidamada ayaa markaas kadib si buuxda ula wareegay MV LATUF, kaas oo dib u bilaabay socdaalkiisii, iyadoo wasaaraddu sheegtay inuu si nabad ah ku sii watay safarkiisa.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in hawlgalku uu ku salaysnaa heshiiska iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo labada dal u oggolaanaya inay xoojiyaan wada-shaqaynta ku aaddan ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sugidda amniga badaha iyo la-dagaallanka burcad-badeedda.

Iskaashiga difaaca iyo amniga badaha

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa bishii Febraayo 2024 kala saxiixday Heshiiska Qaab-dhismeedka Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha, kaas oo qayb muhiim ah ka siinaya xoojinta awoodda Soomaaliya ee ilaalinta badaha.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in Turkigu Soomaaliya ka taageero ilaalinta aagagga badda ee ay qaranku xaqa u leeyahay, sugidda khayraadka badda iyo la-dagaallanka falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca xeebaha iyo biyaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa sidoo kale muddo dheer Soomaaliya ka waday tababar iyo tayeyn ciidan, isagoo gacan ka geysta kobcinta awoodda ciidamada qalabka sida.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in burcad-badeednimadu tahay fal-dambiyeed culus oo ciqaab adag leh, waxayna digniin u dirtay dadka ku lugta leh falalkaas, kuwa taageera iyo cid kasta oo fududeysa ama indhaha ka qarsata.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhammaan dadka ku lugta leh falalka burcad-badeednimada lala xisaabtami doono, sharcigana la horkeeni doono.

Waxay sidoo kale bogaadisay iskaashiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Badda Turkiga, iyadoo mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta xeebaha iyo biyaha Soomaaliya, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo xaqiijinta badqabka isu-socodka maraakiibta.

XIGASHO:TRT SOMALI