| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Turkiga oo dib u furay Guriga Atatürk ee Thessaloniki, oo lagu maamuusay dhaxalkii aasaasihii dalka
Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa xusay doorkii Mustafa Kemal Atatürk ee ilaalinta jamhuuriyadda iyo mustaqbalkeeda, iyadoo matxafku soo bandhigayo dhaxalka Turkiga isla markaana xoojinayo saaxiibtinnimada Turkiga iyo Giriigga.
Turkiga oo dib u furay Guriga Atatürk ee Thessaloniki, oo lagu maamuusay dhaxalkii aasaasihii dalka
Wasaaradda ayaa samaysay qorshaha dib-u-dhiska matxafka sannadkii 2022-kii, iyadoo bilaawday 19-kii Diseembar 2024. / AA

Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Turkiga, Mehmet Nuri Ersoy ayaa xarigga ka jaray Guriga Atatürk oo dib loo dayactiray, magaalada Thessaloniki, Giriigga, taasoo ah magaalo xeebeed ku taal Gacanka Thermaic ee Badda Aegean, isagoo sheegay in u maamuuska Atatürk ay la micno tahay ilaalinta jamhuuriyadda iyo mustaqbalkeeda isla markaana ay tahay aqbalidda mas'uuliyadda qaran.

Ersoy ayaa si xushmad iyo mahadnaq leh u xusay Mustafa Kemal Atatürk, aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga.

Wuxuu adkeeyey in Atatürk aanu ahayn oo kaliya nin siyaasi ah, balse uu sidoo kale ahaa hoggaamiye raad aan la tirtiri karin ku reebey qalbiga ummadda, dib u dayactirkanina uu ka tarjumayo xushmad iyo daacadnimo loo hayo xusuustiisa.

Isagoo muujinaya sida Turkiga ay uga go'an tahay dimuqraadiyadda, madaxbannaanida, xornimada iyo jamhuuriyadda uu hoggaanka u hayyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Ersoy wuxuu sheegay in guriga dhalashada Atatürk uusan ahayn dhismo kaliya balse uu yahay meesha laga qaaday tallaabooyinkii ugu horreeyey ee dhismaha jamhuuriyadda.

Ilaalinta dhaxalka dhaqanka

Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay sameysay qorshe ballaaran oo dib loogu dayactirayo matxafka soona bandhigtay sannadkii 2022-kii, islamarkaana ay kormeertay howshiina bilowday 19-kii Diseembar 2024.

Guriga Atatürk, oo dib loogu soo celiyey xaaladdii madxafka ee 1953, hadda waxaa ka mid ah qolal la dayactiray, bandhig hiddaha iyo dhaqanka, maktabad, iyo dabaqyo soo bandhigaya taariikhda guriga iyo tan Atatürk, ayuu yiri.

Isagoo ku celinaya go'aanka Turkiga ee ilaalinta dhaxalka dhaqanka, Ersoy wuxuu sheegay in Guriga Atatürk ee Thessaloniki uu tusaale u yahay dadaalkan, waxa uuna ku celiyey fariinta Erdogan ee ah in gurigan uu astaan u noqdo nabadda u dhexeysa Turkiga iyo Giriigga.

Wasiirka Ku-xigeenka Dalxiiska ee Giriigga, Anna Karamanli, ayaa sheegtay in furitaanka Guriga Atatürk uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal laguna dhiirrigelinayo derisnimo wanaagsan.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Raadi Warar Kale
Israa’iil amniga ayay marmarsiiyo uga dhigataa si ay dhul badan u qabsato: Wasiir Fidan
Madaxweyne Xasan Sheekh: Turkigu door weyn ayuu ka qaatay diblomaasiyadda
Erdogan oo sheegay in nidaamka caalamiga ah uu marayo heer halis ah, kuna baaqay diblomaasiyad
Dalalka gobolka ayaa muhiim u ah nabadda iyo amniga: Erdogan
Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga tamarta iyo arrimaha gobolka
Wasiirrada arrimaha dibadda Turkiga, Masar, Pakistan iyo Sacuudiga oo ku kulmaya Madasha Antalya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo wadahadallo la yeeshay dhiggiisa Ruushka iyo Sacuudiga
Wargeyska The Daily Telegraph oo tirtirtay war been abuur ah oo laga qoray Erdogan
Israa’iil oo Turkiga u aragta cadowgeeda cusub kadib Iiraan: Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga
Hoggaamiyeyaasha caalamka oo ku kulmaya Turkiga madasha 5-aad ee Antalya Diplomacy Forum
Erdogan oo Pezeshkian kala hadlay in wadaxaajoodka Maraykanka iyo Iiraan ay xaqiijiyaan nabad waarta
Markabka shiidaal qodista Turkiga ee Cagri Bey oo gaaray Soomaaliya isagoo ka hawlgalaya badda
Erdogan, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay xabbad-joojinta Iiraan
Erdogan oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan, kana digay “falal wax burburin ah”
Turkiga oo bilaabay marin ganacsi oo uu la yeeshay Sacuudiga iyadoo ay jirto xiisadda Hormuz
Saddex argagixiso ah oo lagu toogtay weerar ka dhacay agagaarka qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul
Maxaa ka dhigaya iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga mid xoog leh iyadoo uu jiro buuq fara badan
Waa maxay sababta ay Israa'iil uga walaacsan tahay doorka sii kordhaya ee Turkigu ku leeyahay NATO
Biyaha oo beddelaya shiidaalka oo noqonaya kheyraadka ugu istaraatiijiga ah: Madaxweyne Erdogan
Madaxweynaha Turkiga oo wada-hadal khadka telefonka ah la yeeshay hoggaamiyaha Kurdiyiinta Ciraaq