| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Jeneraal Ibraahim Maxamed u magacawday Taliyaha Ciidanka Xoogga
Magacaabista Taliyaha cusub, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa timid kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Gaashaandhigga, waxayna ku soo aadaysaa xilli dalku ku jiro dagaal adag oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Soomaaliya oo Jeneraal Ibraahim Maxamed u magacawday Taliyaha Ciidanka Xoogga
Taliyaha cusub ee CXDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud / User Upload
Waxaa qoray Nuri Aden

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqday isbeddel weyn oo lagu sameeyay hoggaanka millatariga dalka, iyadoo xilka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, laguna beddelay Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Go’aankan oo kasoo baxay shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, ayaa waxaa warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir.

Magacaabista Taliyaha cusub, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa timid kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Gaashaandhigga, waxayna ku soo aadaysaa xilli dalku ku jiro dagaal adag oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab iyo u diyaar-garowga la wareegidda amniga guud ee dalka marka ay baxaan ciidamada ATMIS.

Waa kuma Taliyaha Cusub?

Jeneral Ibraahim Maxamed Maxamuud waa sarkaal sare oo 31 jir ah, oo kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe, lehna taariikh ciidan oo gaareysa 18 sano, inkastoo da’diisu yar tahay.

Wuxuu kamid yahay saraakiisha jiilka cusub ee sida casriga ah loo soo tababaray.

Intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2017, wuxuu waxbarashada sare ee millatariga (5-sano ah) kusoo qaatay Kulliyadda Dagaalka ee Turkiga ee magaalada Ankara, gaar ahaan Kulliyadda Maamulka Dadweynaha.

Markii uu dalka kusoo laabtay, wuxuu noqday Taliyaha guutada TurkSom intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2019, taas oo ahayd xilli muhiim u ah dhismaha ciidanka Gorgor ee Turkigu tababaray.

Ka hor inta aan maanta la dalacsiin oo aan loo magacaabin Taliyaha Guud, Ibraahim wuxuu ahaa Gaashaanle Sare, isagoo tan iyo bishii Juun 2024 hayay xilka Taliyaha Ciidamada Taakuleynta Guud ee CXD, xilkaas oo uu ku magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Bixitaanka Jeneral Odowaa iyo Xiriirka Turkiga

Taliyaha xilka laga qaaday, Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, ayaa ahaa mid ka mid ah saraakiisha ugu saameynta badan millatariga Soomaaliya tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Odowaa ayaa xilkan loo soo celiyay bishii November 2024 xilli xaalad deg-deg ah ay jirtay, isagoo beddelay Jeneral Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddow.

Odowaa, oo sidoo kale soo noqday Taliyaha Ciidanka intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2023, ayaa hormuud u ahaa wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sida dhiggiisa cusub, Odowaa wuxuu tababarro heer sare ah kusoo qaatay dalalka Uganda (2006) iyo Turkiga (2013-2014), halkaas oo uu ku bartay hoggaanka ciidanka lugta iyo xeeladaha dagaalka.

Caqabadaha Horyaalla Hoggaanka Cusub

Isbeddelkan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada qorshe dib-u-habeyn guud ah si loo dardar-geliyo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa laga filayaa inuu la yimaado istaraatiijiyad cusub oo lagu mideynayo ciidamada, laguna xaqiijinayo in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Hoggaanka Koonfur Galbeed
Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO oo Ka Digay Xayiraadaha Safarka ee la Xiriira Ebola
27 Qof oo Lagu Dilay Weerar ay RSF ku Qaadday Tuulooyin ku yaalla Waqooyiga Kordofan ee Suudaan
Soomaaliya oo Doonaysa Xoojinta Iskaashiga Difaaca ee Ruushka Intii lagu jiray Booqasho Rasmi ah
Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya oo Qaabilay Wafdi Ciidan oo ka Socda Talyaaniga
Wasiirka Maaliyadda XFS oo la Kulmay Bangiga Horumarinta Afrika si loo Dardargeliyo Maalgashiga
Dowladda Federaalka oo Adkaysay Waajibaadka Amniga, Kana Hortimid Dib Ugu Noqoshada Doorasho Dadban
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo Ciidda Udxiyada u Diray Shacabka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarka Argagixiso ee ka dhacay Pakistan tacsina u dirtay shacabka
Taliyaha Booliiska Banaadir oo Ka Digay Isku Dayo Lagu Khalqal Gelinayo Amniga Muqdisho
Boqolaal dhalinyaro ah oo Muqdisho ku qabtay bannaanbax nabadeed oo lagu asteeyey “Codka Caasimadda”
Ciidanka Sudan oo Qabsaday Deegaan ku Dhow Xadka Itoobiya kadib Dagaallo ay la Galeen RSF
Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha oo Beijing ku Qabatay Xuska Maalinta Afrika
Siddeed iyo toban dal oo cambaareeyay qorshaha Somaliland ay ku furayso “safaarad” Qudus la haysto
Soomaaliya oo Hormuud ka Noqotay Istaraatiijiyadda La-dagaallanka Argagixisada
Danjiraha Soomaaliya Yuusuf Axmed Xasan oo Warqadaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Mauritania
Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo Ka Arrinsaday Dardargelinta Amniga iyo Adeegyada Dadweynaha
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Qaabilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Ciidanka Suudaan oo Ku Dhawaaqay inay La Wareegeen Deegaanka Khor Hassan ee Gobolka Blue Nile