| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Maalgashiga iyo Iskaashiga Dhaqaalaha
Soomaaliya iyo Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga, gaar ahaan xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo mashaariicda horumarineed.
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Maalgashiga iyo Iskaashiga Dhaqaalaha
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Maalgashiga iyo Iskaashiga Dhaqaalaha / SONNA

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Cabdullaahi Faarax (Xareed), ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday Horumarinta iyo Maalgashiga Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayey Talaal Bin Rashiid Al-Hajri.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo wada-hadalladu ay diiradda saareen xoolaha nool, beeraha, kalluumaysiga, wax-soo-saarka cunnada, caafimaadka iyo maalgelinta mashaariicda horumarineed.

Agaasimaha Guud waxaa kulanka ku weheliyey Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Gutaale, iyo sidoo kale Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Caafimaadka, Cabdi Dirshe iyo Yuusuf Wadani.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo aqoonsan lahaa fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga iyo maalgashiga ee qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo mudnaanta horumarineed ee dalka.

XIGASHO:SONNA