Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan, ayaa daahfuray tababar shan maalmood soconaya oo ku saabsan qodista ceelasha biyaha ee gacanta, kaas oo qayb ka ah Mashruuca Adkeysiga Biyaha Dhulka Hoostiisa ee Geeska Afrika.
Tababarkan ayaa looga gol leeyahay in dalka laga xoojiyo helitaanka biyo qiimo jaban, isla markaana u adkeysan kara xaaladaha abaarta.
Tababarka waxaa ka faa’iideysanaya 20 injineer, waxaana sidoo kale ka qaybgalaya hay’adaha bahwadaagta horumarinta iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qodista ceelasha.
Wasaaradda ayaa tababarkan uga gol leh inay xoojiso awoodda maxalliga ah iyo xirfadaha farsamo ee lagama maarmaanka u ah helitaanka iyo ka faa’iidaysiga biyaha dhulka hoostiisa.






















