| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Qaabilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Danjire Cismaan Dubbad Sugulle ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Qaabilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Qaabilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Arbacadii xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Cismaan Dubbad Sugulle. Danjiraha ayaa dhawaan warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Danjire Cismaan Dubbad Sugulle ayaa gudbiyay salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa danjiraha cusub ugu hambalyeeyay magacaabistiisa wuxuuna u rajeeyay guul gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed. Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jabuuti, Cabdulkadir Kaamil Maxamed, isagoo u rajeeyay guul iyo awood uu ku gudan karo mas’uuliyadaha mar kale loo igmaday.