| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha oo Dib u Eegay Mudnaanta Shaqada, Xoojiyeyna Ilaalinta Xuquuqda
Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ayaa dib u eegay xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka iyo mudnaanta shaqadiisa, isagoo xoogga saaray helitaanka caddaaladda, ilaalinta kooxaha nugul iyo dabagalka cabashooyinka.
Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha oo Dib u Eegay Mudnaanta Shaqada, Xoojiyeyna Ilaalinta Xuquuqda
.Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha oo Dib u Eegay Mudnaanta Shaqada, Xoojiyayna Dadaallada Ilaalinta Xuquuqda

Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha (NHRC) ayaa xaruntiisa ku qabtay kulan lagu qiimeeyay howlaha mudnaanta leh iyo dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa dib loogu eegay xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha ee dalka, iyadoo laga wada hadlay tallaabooyinka lagu xoojinayo kormeerka, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.

Doodaha ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray helitaanka caddaaladda, ilaalinta kooxaha nugul, dabagalka cabashooyinka iyo la socodka dhacdooyinka la xiriira xuquuqda aadanaha.

Guddiga ayaa sidoo kale dib u eegay howlaha la qabtay, halka ay marayaan qorshayaasha shaqada iyo mudnaanta soo socota, oo ay ka mid yihiin dardargelinta barnaamijyada muhiimka ah, dhammaystirka habraacyada iyo xeerarka gudaha iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa adkeysay muhiimadda ay leedahay in Guddigu si wadajir ah, madax-bannaan oo daahfuran u guto waajibaadkiisa qaran. Xubnaha ayaa sidoo kale isku raacay in si joogto ah loola socdo xaaladda xuquuqda aadanaha, isla markaana jawaab waqtigeeda ku habboon laga bixiyo arrimaha soo kordha, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida, dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida shacabka.

XIGASHO:SONNA