| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya: Sahaminta shiidaalku waxay inoo leedahay muhiimad dhaqaale iyo mid juqraafi-siyaasadeed
Ololaha ugu horreeya ee qodista shiidaalka gunta badda ee Soomaaliya wuxuu xambaarsan yahay muhiimad dhaqaale iyo mid juqraafi-siyaasadeed, sida uu Axaddii sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.
Soomaaliya: Sahaminta shiidaalku waxay inoo leedahay muhiimad dhaqaale iyo mid juqraafi-siyaasadeed
Soomaaliya ayaa ammaantay iskaashiga qodista shidaalka iyo gaaska ee ay Turkiga la leedahay, iyadoo ku tilmaantay mid wax weyn ka beddeli doona. / Reuters
6 Abriil 2026

Ololaha ugu horreeya ee qodista shiidaalka gunta badda ee Soomaaliya wuxuu xambaarsan yahay muhiimad dhaqaale iyo mid juqraafi-siyaasadeed, sida uu Axaddii sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Haddii lagu guulaysto, waxay xoojin kartaa rajada Soomaaliya ee kobaca ku saleysan kheyraadka, sidoo kalena waxay adkeyn kartaa doorka Turkiga ee ah saaxiib la isku halleyn karo oo muddo dheer ah oo ka qeyb qaata horumarinta dalka,” ayuu yiri Cali Cumar Cali (Balcad), wasiiru dowlaha arrimaha dibadda.

Wuxuu sheegay in tani ay tahay xilli wax looga beddeli karo mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbeddellada tamarta ee gobolka.

Hadalladiisa ayaa imanaya iyadoo markabka Turkiga ee qodista shiidaalka ee Cagri Bey uu soo galay marin badeedka Soomaaliya si uu u bilaabo qodistii ugu horreysay ee shiidaalka gunta badda Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Sahminta shiidaalka iyo gaaska dabiiciga ah

Markabka Cagri Bey ayaa bishii Febraayo ka ambabaxay dekedda koonfureed ee Tasucu ee gobolka Mersin, Turkiga, waxaana la filayaa inuu bishan gudaheeda bilaabo qodista ceelka shiidaalka ee loogu magacadray “Curad-1”.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa 2024-kii kala saxiixday heshiisyo ku saabsan sahminta shiidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dhulka iyo badda Soomaaliya. Markabka sahanka ee Turkiga, Oruc Reis, ayaa horey u dhammeystiray sahanno ku saabsan saddex xirmo oo badeed.

XIGASHO:AA