| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo QM oo Muqdisho kaga wada hadlay marxaladda kala-guurka ee hawlgalka UNTMIS
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Madaxa Hawlgalka, Raisedon Zenenga, ayaa wadahadallo la yeeshay xukuumadda, kuwaas oo diiradda lagu saaray qorshaha iyo marxaladda kala-guurka ee hawlgalka, iyo weliba xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.
Soomaaliya iyo QM oo Muqdisho kaga wada hadlay marxaladda kala-guurka ee hawlgalka UNTMIS
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Maxamed Cumar (Balcad), iyo Ku-simaha Madaxa Hawlgalka UNTMIS, Raisedon Zenenga / User Upload

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Balcad), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi sare oo ka socday Hawlgalka Kala-guurka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNTMIS).

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Madaxa Hawlgalka, Raisedon Zenenga, oo uu wehliyo Vikram Parekh, ayaa wadahadallo la yeeshay xukuumadda, kuwaas oo diiradda lagu saaray qorshaha iyo marxaladda kala-guurka ee hawlgalka, iyo weliba xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee uu dalku haatan marayo.

Intii uu kulanku socday, xukuumadda Soomaaliya ayaa mas’uuliyiintan Qaramada Midoobay u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan isbeddelka la filayo.

Wasiiru-dowle Cali Maxamed ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda Soomaaliya ay si adag uga go’an tahay in ay iyadu si buuxda u hoggaamiso hannaanka kala-guurka ee dalka, isagoo sheegay in qorshahani uu salka ku hayo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda si ay ula wareegaan mas’uuliyadda dhammaystiran, loona dardargeliyo horumarada ilaa hadda laga sameeyay dhismaha nabadda iyo hannaanka dowladnimada.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda federaalka ahi ay waddo dadaallo ay ku doonayso in ay awooddeeda maamul iyo midda amni ugu baahiso dalka oo dhan.

Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay adkaynta wadashaqaynta iyo isku-xirka, si loo hubiyo in taageerada ay beesha caalamku siiso dalka ay si dhab ah ula jaanqaaddo baahiyaha iyo mudnaanta koowaad ee qaranka Soomaaliyeed, taas oo yoolkeeda ugu weyni yahay xaqiijinta xasillooni waarta iyo horumar.

XIGASHO:SONNA