8 saacadood ka hor
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarrada lagu beegsaday dalalka Qadar, Sacuudiga, iyo dhowr dal oo kale oo Carbeed. Ruto ayaa ku baaqay in la dhowro madax-bannaanida dalalka gobolka iyo xasiloonida caalamiga ah.
Kenya aya ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso in si degdeg ah loogu guntado wadahadal ballaaran oo horseeda in la qaboojiyo xiisadda, si looga baaqsado saameyn ka dhalata colaadda gobolka ka sii kordhaysa.


















