In ka badan 2,500 qoys ayaa hoy la’aan noqday kadib markii laba webi ay ku fataheen dhowr tuulo oo ku yaalla bartamaha-bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC), sida uu Axaddii sheegay hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka ah.
Roobab mahiigaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ay gobolka Maniema ayaa sababay in Webiga Kongo iyo Webiga Ulindi ay fatahaan, taasoo barakicisay boqolaal qof oo ku nool tuulooyinka Kasera, Tubila iyo Ulindi, ayuu yiri Jean-Claude Ngoy, madaxa bulshada rayidka ah ee degmada Punia.
“Ugu yaraan 2,533 oo qoys ayuu saameeyay kadib markii guryahoodii ay qarqiyeen biyuhu. Waxaan ugu baaqeynaa maamulka gobolka iyo kan qaranka iyo sidoo kale hay’adaha bani’aadamnimo inay taageero nala soo gaaraan,” ayuu Ngoy u sheegay wariyeyaasha.
Wuxuu sheegay in fatahaaduhu ay sidoo kale burburiyeen kaabeyaasha, oo ay ku jiraan iskuullo, xarumo caafimaad iyo ilaha biyaha la cabbo.
Koox qiimeyn ah oo ka kooban mas’uuliyiin maxalli ah, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa ogaaday in dadka ay saameysay ay wajihi karaan macaluul maadaama beerahoodii cuntada iyo balliyada kalluunka ay biyuhu qarqiyeen, ayuu yiri Ngoy.


















