Ugu yaraan 28 rayid ah ayaa ku dhintay, halka ay 39 kalena ku dhaawacmeen weerarro ay maleeshiyada RSF ka geysatay Waqooyiga Daarfuur, sida ay Talaadadii sheegtay shabakadda dhakhaatiirta Suudaan.
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa bayaan ku sheegtay in dhimashadu ka dhalatay weerar gantaallo ah oo lagu qaaday magaalada Mustariha ee galbeedka Suudaan.
Weerarka ayaa sidoo kale burburiyay xarunta caafimaad ee keliya ee deegaanka. Shaqaalaha caafimaadka ayaa la weeraray, mid ka mid ahna waa la xiray tan iyo markaasna waa la la’yahay, sida ay sheegtay kooxda.
Shabakadda Dhaqaatiirta Suudaan ayaa sheegtay in weerarku sababay barakac ballaaran oo ku wajahan tuulooyin iyo deegaanno u dhow, xilli ay horey u jireen xaalado bani’aadamnimo oo aad u liita.
“Weerarradan waxay ka dhigan yihiin dambi buuxa iyo jebin cad oo ka dhan ah dhammaan shuruucda bani’aadamnimo iyo kuwa caalamiga ah ee mamnuucaya weerarrada ka dhanka ah rayidka,” ayay raacisay.
Waxay ugu baaqday beesha caalamka “inay si degdeg ah u qaaddo tallaabooyin lagu difaacayo rayidka ku barakacay weerarkan nidaamsan, loona hubiyo gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo iyo mid caafimaad, isla markaana si degdeg ah loo joojiyo xadgudubyada lana xisaabtamo hoggaanka RSF ee si toos ah uga mas’uulka ah dhacdadan, maadaama ay ka hor imaanayso dhammaan shuruucda caalamiga ah ee mamnuucaya weerarrada rayidka, barakicintooda iyo cabsi gelintooda.”
RSF ayaa maamusha afar ka mid ah shanta gobol ee Daarfuur ee galbeedka Suudaan, iyadoo qaybo ka mid ah Waqooyiga Daarfuur ay weli gacanta ugu jiraan ciidanka. Ciidamada milatariga ayaa gacanta ku haya inta badan gobollada kale ee dalka, oo ay ku jirto caasimadda Khartuum.
Tan iyo Abriil 2023, RSF iyo ciidanka Suudaan ayaa ku dagaallamayay muran la xiriira ku darista maleeshiyada ee ciidanka rasmiga ah. Colaadda ayaa horseeday xaalado macluul ah oo ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ugu xun dunida, iyadoo dishay tobannaan kun oo qof isla markaana barakicisay malaayiin kale.



















