| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Yemen oo Doha kaga wada hadlay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed
Wadahadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta, iyo sidii labada dowladood ay u xoojin lahaayeen wada-tashiga ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah
Soomaaliya iyo Yemen oo Doha kaga wada hadlay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zuba / Others

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zuba, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulammada, oo si gaar-gaar ah uga dhacay Doha xilli wasiirka Yemen ay booqasho ku joogto Qatar oo qayb ka ah socdaal ay ku marayso dalalka Khaliijka, ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey xaaladda gobolka iyo arrimo kale oo ay Soomaaliya iyo Yemen dan wadaag ka yihiin.

Al-Zuba waxay sheegtay in xiriirka Soomaaliya iyo Yemen uu ku qotomo taariikh dheer iyo xidhiidh bulsho iyo ganacsi oo soo jireen ah oo ka dhexeeya labada shacab.

Waxay sidoo kale dib u xaqiijisay mowqifka Yemen ee taageerada midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Yemen ay kasoo horjeeddo tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya ama faragelin ku ah arrimaheeda gudaha.

“Xasilloonida Yemen iyo Soomaaliya waxay tiir muhiim ah u tahay amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika,” ayay wasiiraddu sheegtay.

Wadahadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta, iyo sidii labada dowladood ay u xoojin lahaayeen wada-tashiga ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Dhinacyadu waxay si gaar ah uga hadleen amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in dalalka xeebaha leh ay kordhiyaan iskaashiga si loo ilaaliyo badqabka isu-socodka maraakiibta loogana hortago argagixisada, tahriibka iyo wax-ka-ganacsiga sharci-darrada ah, burcad-badeedda iyo khataraha isaga gudba xuduudaha.

Soomaaliya iyo Yemen waxay sidoo kale isku raaceen in la joogteeyo xiriirka iyo wada-shaqaynta wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada dal, la kordhiyo booqashooyinka labada dhinac iyo is-weydaarsiga khibradaha, isla markaana laga faa’iidaysto xiriirka taariikhiga ah iyo danaha wadajirka ah si loo ballaariyo iskaashiga labada dal.

XIGASHO:TRT SOMALI